Sawirro: Safarka Kheyre ee Kismaayo oo abuuray shaki siyaasadeed weyn

Kismaayo (Caasimadda Online) – Safarka uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre maanta ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa shaki siyaasadeed abuuray xilli taageerayaasha madaxweynaha ay aad u dhaliileen.

Kheyre ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyay madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo la filayo in wada-hadallo ay yeeshaan.

Siyaasiyiin ku dhow madaxweynaha iyo taageerayaashiisa ayaa su’aalo ka keenay sida maamulka Jubbaland uu sare ugu qaaday soo dhoweynta Ra’iisal wasaaraha oo aan horey loo arag.

Magaalada ayaa waxaa lagu wada dhejiyey sawirrada Kheyre iyo Axmed Madoobe, waxaanse ka muuqan sawirrada madaxweynaha Soomaaliya, taasi oo taageerayaasha madaxweynaha ay dhibsadeen.

Arrimaha shakiga ugu weyn abuuray ayaa waxaa ka mid ah ayada oo horey ay u jireen warar sheegaya in Kheyre uu ku jiro hami madaxweynenimo, islamarkaana safarkan uu qeyb ka yahay isbaheysi uu sameysanayo ka hor doorashada 2020.

Xubnaha madaxweynaha ku dhow ayaa walaac ka qaba in Kheyre uu awood baaxad weyn oo siyaasadeed yeelanayo xilli uu weli qeyb ka yahay dowladda.

Sidoo kale xildhibaanada ku beesha ah madaxweynaha oo beesha Axmed Madoobe ay xurguf siyaasadeed kala dhaxeyso ayaa safarkan u arka mid Axmed Madoobe isbahaysi ka dhan ah madaxweynaha iyo beeshiisa uu ku sameysanayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com