Weerarkii Maka Al-Mukrama oo khilaaf xooggan ka dhex abuuray DF kadib marki la isku qabtay..

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaraya dhanka Villa Somalia ayaa sheegaya in weerarkii saacadaha badan lagu heystay Hotel Maka Al-Mukarama uu xasarad ka dhex abuuray Saraakiisha Laamaha Amaanka ee Dowlada.

Wararku waxa ay tilmaamayaan in kulan dhexmaray Taliyayaasha iyo Saraakiisha Laamaha Amaanka uu ka dhashay khilaaf hor leh, kadib markii qaarkood ay soo jeediyeen in Albaabada loo laabo dhamaan Hoteelada waaweyn ee Magaalada Muqdisho, si amaanka hoteelada uu usoo galo gacanta DF, halka qaarna ay soo jeediyeen inaan faragalin lagu sameyn bacdamaa ay iyaga dhibaatada ugu badan soo food-saartay.

Sidoo kale, Khilaafka ayaa la tilmaamayaa inuu ka dhashay khibrada ilaalada Hoteelada ay u leeyihiin daafaca Hoteelada ay sugayaan amaankooda, waxaana la soo jeediyay in dhamaanba meesha laga saaro ilaalada iminka ku sugan Hoteelada islamarkaana Hay’adaha Amaanka lagula xisaabtamo Ciidamo gaar ah oo loo sameeyo Hoteelada.

DF Somalia ayaa inta badan lagu dhaliila inaysan ka fiirsan dhibaatooyinka uga imaado dhanka Hoteelada, mana aha markii ugu horeysay oo weeraro Khasaaro naf iyo maalba leh lagu qaado Hoteelada ugu caansan Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com