Wiil 12 jir ahaa oo haraad iyo gaajo ugu geeriyooday galbeedka KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Jubbooyinka ayaa sheegaya inay ka sii darayaan xaaladaha nololeed ee gobolladaasi oo ay haatan ka jiraan abaaro xoogan, kuwaas oo saameyn daran ku yeeshay dadka deegaanka iyo duunyada intaba.

Galbeedka Kismaayo ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee ay ka jiraan xaaladaha nololeed, gaar ahaan biyo la’aanta oo saameysay reer miyiga ku dhaqan halkaasi.

Khadiijo Xaaji Yacquub oo ka mid ah bulshada rayidka ee Jubbaland, isla-markaana booqatay deegaanada ay abaaruhu ka jiraan ayaa sheegtay in wiil yar oo 12 jir ahaa uu haraad iyo gaajo darteed ugu geeriyooday inta u dhexeysa Biroole iyo Buulo Xaaji.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay jiraan dad kale oo dhul yaal ah, isla-markaana ay dhibaato xoogan ku heysato deegaano hoostaga magaallo xeebeedka Kismaayo.

“Hadda hal cunug wuu ku dhintay dad kale oo garaab ah waa la sheegaayey meesha dhibaato daran ayaa ka jirta wax laga sheekeyn karo ma’aha,” ayey tiri Khadiijo Xaaji.

Dhankiisa Ciise Axmed Maxamed (Boorow) oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira halkaasi ay gaareen meeshii ugu sarreysay, isla-markaana dadka aysan heysan biyo ay cabaan, ayna ka le’deen xoolihii ay heysteen.

“Biyo la’aan rasmi ah ayaa dadka heshay gaadiid aa biyaha loogu dhaaminaayey laakin gaadiidka waa ka soo laabtay Roobna weli lama helin,” ayuu yiri Ciise Boorow.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay hay’adaha samafalka, Jubbaland, dowladda federaalka iyo ganacsatada inay gargaar deg deg ah la soo gaaraan dadka ay saameeyeen abaaruhu.