Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq oo lagu qaaday weerar drone loo adeegsaday iyo xaaladdiisa

Baghdad (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi ayaa ka badbaaday isku day lagu dili lahaa kadib markii diyaarad drone ah, oo laga soo buuxiyey qaraxyo lagu weeraray gurigiisa xalay.  

“Diyaarad drone ah ayaa lala beegsaday guriga ra’iisul wasaaraha, oo aan wax dhaawac ah kasoo gaarin,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiskiisa. Wararka qaar ayaa sheegaya in Mustafa uu soo gaaray dhaawac fudud.

Mustafa Al-Kadhimi ayaa goor dambe sheegay inay xaaladdiisa wanaagsan tahay, wuxuuna codsaday “deganaan iyo is-xakameyn,” ayada oo xaaladda siyaasadeed ee dalka ay aad u kacsan tahay. 

“Aad ayaan u wanaagsanahay, Alxamdulillah, waxaana ku baaqayaa deganaan iyo in qof kasta uu is xakameeyo, danta Ciraaq darted,” ayuu Mustafa kusoo qoray bartiisa twitter-ka. 

Guriga ra’iisul wasaaraha ayaa ku yaalla aagga cagaaraan ee (Green Zone) ee Baghdad, halkaasi oo sidoo kale xarun u ah safaaradda Mareykanka, islamarkaana marar badan lala beegsaday weeraro gantaallo ah.

Ciidamo aad u badan ayaa la geeyey aagga kadib weerarka, sida ay sheegeen ilo-wareedyo amni. 

Weerarka ayaa yimid ayada oo xiisad siyaasadeed oo kacsan ay ka jirto Ciraaq, taasi oo ka dhalatay doorashooyinkii dhacay 10-ka October.

Natjooyinka hurudhaca ee doorashada ayaa muujiyey in  isbaheysiga Fatah, oo ah garabka siyaasadeed ee kooxda Iran ay taageerto ee sida militariga u tababaran ee Al-Xashad Al-Shacbi ay lumisay kuraas badan oo baarlamanka ka mid ah.

Taageerayaasha kooxda ayaa dhalleeceeyey natiijada waxayna ku tilmaameen “khiyaano.”

Boqolaal ka mid ah taageerayaasha kooxdan iyo booliska ayaa isku dhacay Sabtidii ayaga oo dibadbax ka dhigaya Greene Zone-ka, kana careysan natiijada doorashada.

Fatah ayaa ku guuleysatay 15 ka mid ah 329-ka kursi ee baarlamanka, taasi oo aad uga yara 48-ka kursi ee ay horey u haysteen.

Guusha ugu weyn ee doorashadii ugu dambeysay ayaa waxaa gaaray dhaqaaqa wadaadka Shiicada ah ee Moqtada Sadr oo kooxdiisa ay heshay 70 kursi, kadib markii uu olole ku galay waddaniyad iyo inuu kasoo horjeedo Iran.  

Natiijada kama dambeysta ah ayaa la filayaa in lagu dhowaaqo toddobaadyada soo socda.