ASKAR ka tirsan ilaalada Axmed Karaash oo lagu xiray Garoowe + Sababta

Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka Puntland oo xalay ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Is-rasaaseynta ayaa ka dhacday agagaarka xarunta Taraafikada Garoowe, waxayna u dhexeysay ciidamo ka tirsan xaruntaasi iyo kuwa kale oo ilaale u ah madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan oo loo yaqaano (Karaash).

Inta la xaqiijiyey waxaa iska hor imaadka dhex-maray labada dhinac ku dhaawacmay ugu yaraan hal askari, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Dagaalka ayaa ka dhashay kadib markii ciidamada Taraafikada ay gaari ka xereeyeen ciidanka madaxweyne ku xigeenka Puntland, taas oo keentay inay wada dagaalamaan.

Sidoo kale waxaa shaqaaqada kadib goobta ay wax ka dhaceen waxaa gaaray ciidamo kale oo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku baxay dagaalka ka dhacay halkaasi.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in falka kadib xabsiga loo taxaabay illaa afar askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada u ah Axmed Karaash, kuwaas oo su’aallo laga weydiinayo, sida ay wax u dhaceen, waxaana loo heystaa inay iyagu bilaabeen rasaasta.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ka soo baxay taliska Booliska ee Garoowe oo ku aadan dhacdadaais, waxaase weli socda baaritaano ay wadaan laamaha ammaanka.

Garoowe ayaa waxaa inta badan ka dhaca iska hor imaadyo dhex-maray ciidamada Puntland dhexdooda, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa dadka rayidka ah.