Urur aysan dunida horey u maqal oo afduubtay laba askari oo Israeli ah (Warbixin)

Tel Aviv (Caasimada Online) – Urur aysan dunida horey u maqaly oo isku magacaabay Dhaqdhaqaaqa Xoriyadda ayaa sheegtay inay afduubteen laba askari oo Israeli ah. 

Barnaamij baaris ah oo uu Jimcihii sii daayey taleefishinka Aljazeera, ayey kooxdan ku sheegtay inay afduubteen labadan sarkaal “xilli ay howlgal amni oo qarsoodi ah ka fulinayeen meel ka baxsan Israel.” 

Barnaamijka ayaa baahiyey muuqaallada laba nin, oo afduubayaasha ay sheegeen inay yihiin laba askari oo Israeli ah. 

Mid ka mid ah labada nin ayaa magaciisa ku sheegay David Ben Rousey, wuxuuna magaca saaxiibkiis ku sheegay David Perry, ayaga oo intaas ku daray inay yihiin Israa’iiliyiin.

Ururkan ayaa sidoo kale bishii September ee sanadkii tegay sheegtay inay afduubteen laba askari oo kale oo israa’iiliyiin ah. Xilligaas Israel kama bixin wax jawaab ah.

Sida ay ku warrameen afduubayaasha, labadi askari ayaa lagu qabaty laba howlgal oo kala duwan. 

Muuqaalka ayaa Ben Rousey wuxuu ku codsaday caawimaad deg deg ah, sababtoo ah Perry “wuxuu ku sugan yahay xaalad caafimaad oo liidata,” wuxuuna xaaladdooda guud ku qeexay “mid aad u xun.”

Sida lagu sheegay barnaamijka Aljazeera, aayaha labada askari wuxuu ku xiran yahay sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta ee ay haysato Israel. 

Ururkan isku magacaabay Dhaqdhaqaaq Xoriyadda ayaa ah mid aan horey looga maqal dhulka Falastiiniyiinta. 

Barnaamijka baaritaanka ah ee Aljazeera ma shaacin waqtiga iyo goobta laga afduubtay labada askari, iyo halka lagu hayo intaba. 

Saraakiisha Israel weli jawaab kama aysan bixin.