Wiil 14 sano jir ah oo lagu dilay JOWHAR + Sababta

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay bartamaha magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle lagu dilay wiil yar oo 14 jir ahaa kaas oo uu dilkiisu dhaliyey xiisad xoogan oo hadda ka jirta halkaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sheekh Cismaan Xuundow, wuxuuna ka mid ahaa ardayda dugsiga Hoose dhexe ee Sheekh Xasan Barsane.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, kaas oo goobta ka baxsaday, kadib dhacdadaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online sababta loo dilay wiilkaasi yar ayaa la xiriirta dhac taleefan oo loo geysanayay marxuumka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo uu horkacayey guddoomiyaha gobolka Shabeelaha oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Cabdiraxmaan Yare ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Jowhar, iyada oo dilkiisa ay si weyn uga caroodeen dadka deegaanka.

Dhacdadan ayaa qayb ka noqoneyso falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey caasimada dowlad goboleedka HirShabelle ee magaalada Jowhar.