Boosaaso (Caasimada Online) Ilo Xog-Ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegaya in maanta dekedda Boosaaso ay ku soo xirteen seddax doon oo sida hub noocyo kala duwan kuwaasoo loo qaaday magaalada Garoowe markii lagu daad gureeyay gawaarida xamuulka.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in hubkan uu ka yimid dalka Yemen, oo isla toddobaadkii hore labo diyaarad oo iyana wada hub ay ka dageen garoonka diyaaradaha AUN Cabdulaahi Yuusuf Axmed.
Labada jeer waxaa hubka la socday soo dakitaankiisa wiil uu dhalay Faroole kaasoo joogay goobta ay maanta ku soo xirteen doomaha hubka siday.
Hubkan dowladda Yemen ayaa soo siisay Faroole oo isku diyaarinaya doorashooyinka madaxweynaha oo dhacaya sannadka na soo aadan.
Intii doomaha laga dajinyay hubka waxaa si kumeel gaar ah loo joojiyay dhammaan howlihii marsada Boosaaso oo ah isha dhaqaalaha Puntland.
Madaxweyne Faroole ayaa billaabay in takoor ku sameeyo kooxaha ka sooo horjeeda
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Garoowe

