Wiilka gudoomiye Cabdullaahi Iideey oo la afduubtay

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar uu ka dhacay degmadaasi.

Weerarka ayaa lala eegtay goob ganacsi uu lahaa wiil uu dhalay guddoomiyihii hore ee degmada Afgooye Cabdulaahi Cali Iideey, waxaana la sheegayaa in la afduubtay wiilkaasi.

Weerarkaasi ayaa ka dhacay degmada Afgooye, waxaana la sheegay in ku dhawaad shan ruux ay ku dhaawacmeen weerarka ka dhacay degmada Afgooye.

Waxaa wararka ay sheegayaan in kooxaha hubeysan oo watay gaari nooca raaxada ah ay afduubteen wiilka uu dhalay guddoomiyihii degmada Afgooye.

Illaa Hadda ayaa lagu waramayaa in la la’yahay wiilkii goobta ganacsi ee la weeraray nolol iyo geeri midna.

Waqtiyadii ugu dambeeyey ayaa waxaa soo badanayey weerarada joogtada ah ee lagu qadayo xarumaha maamulka ee ku yaalla gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose,waxaana sidoo kale barbar socotay arintaa dilalka iyo dhaca ddka rayidka ah ee magaalada Ku nool.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com