Wiilka Macallin Maxamuud oo sheegay habka uu ku yimid kursiga uu ku guuleystay

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wiil uu dhalay hoggaamiyaha Ahlu Sunna Wajameeca Sheekh Macallin Maxamuud Xasan Faarax ayaa shalay xildhibaannimo loogu doortay magaalada Dhuusamareeb ee dowlad goboleedka Galmudug.

Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud wuxuu ka mid yahay xubnihii shalay ku soo baxay doorashadii ka dhacday dhuusamareeb inkastoo uu sheegayo inuu ku yimid awood qabsi beeleed.

Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo BBC u warramay wuxuu sheegay guusha xildhibaannaimada uu marlabaad gaaray uu ku faraxsan yahay shaqooyinkii uu horay dalka u soo qabtay kuwa ka ballaaranna inuu dalka uu u qabto uu diyaar u yahay. Wuxuuna intaa ku daray inuu ka mid yahay Ahlu Sunna Waljameeca uuna ka sii mid ahaanayo.

“Ahlu Sunna dadka oo dhan ayaa ah, Ahlu-Sunna waa ahay horayna waa u ahaa haddana waa ahay dadka Soomaaliyeed diinkooda iyo caqiidadooda dhanbaa Ahlu Sunna ah waan ku soo shaqeeyey waana ku shaqeynayaa insha allah wax hadda oo isbeddel oo gaar ah oo ay leedahayna ma leh,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad.

Wuxuu intaas ku daray inuu muddo badan uu ka soo shaqeeyey dowladda dhexe iyo heshiisiinta Ahlu Sunna iyo maamulka Galmudug guushiisa marlabaad xildhibaannimada looga doortayna ay ku timid awood qaybsiga ku saleysan 4.5.

Balse ay waxba ka jirin hadalka sheegaya waxyaabaha ay Ahlu Sunna au dagaallameysay inuu ka mid ahaa kursigiisa.

“Wey fiicnaan lahayd laakiin waxaad ogsoon tahay waxay ku timaaddaa arrintaanu waxaa uu baarlamaanka ku saleysan yahay wax la yiraahdo 4.5 qabiilbeyku yimaaddaan dad 101 qof ah ayaa ii codeeyey oo laga yaabe iney intooda badan ay fikir ahaan ama siyaasad ahaan ay ku kala duwan yihiin waana ogsoon tahoo waxaa lagu imaadaa 4.5,marka waxyaabahaasi waxay u badan yihiin waxyaaba raqiis ah oo ay dadka isaga hadlaan, iyada oo ayna jirin nidaamka Ahlu-Sunna ayaan dowladda Soomalaiya mas’uuliyad sare ka soo qabtay xildhibaanna ka soo noqday.”

Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan Faarah oo ah Cabdisamad aabihii, oo dabayaaqada sanadki hore wareysi gaar ah oo naadir ah siiyey laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, wuxuu beeniyey warka sheegay inuu wiilkiisa uu xil u raadinayo isaga oo sheegay iney Ahlu Sunna dowladda Galmudug ay mamuleysay balse wiilkiisa wax xil ah uu ka qaban warkaasina uu haba yaratee waxba ka jirin.

“Waa wiilkee wiilka aan danta u raadiyoo oo danta leh dowlad dhisan oo baarlamaan leh, oo madaxweyne leh, oo madaxweyne ku xigeen leh, oo ciidan leh oo nooc walba leh ayaa Ahlu Sunna Waljamaaca ka dhisneyd, wiilka anigu aan dhalay xilka uu ka hayey muxuu ahaa ha la sheego, dhinaca Dowladda Federaalka ahna shaqa iskuma aanan laheyen, bal horta qofka weydiiya xilka aad sheegeyso ood leedahay waa uu raadinayaa xaggee buu joogaa,” ayuu yiri hoggaamiyaha Ahlu Sunna Wajameeca Sheikh Macallin Maxamuud Xasan Faarax.