29.9 C
Mogadishu
Friday, March 27, 2026

Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran ayaga oo la safan…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kampala (Caasimada Online) — Taliyaha ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa si cad u muujiyay taageerada uu u hayo Israa’iil xilli uu weli socdo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iiraan, isaga oo xitaa sheegay in dalkiisu faragelin militari samayn karo haddii colaaddaasi sii ballaarato.

Qoraallo is xigay oo uu ku baahiyay baraha bulshada, Kainerugaba wuxuu ku baaqay in dagaalka si degdeg ah loo soo afjaro, balse wuxuu ka digay in isku day kasta oo lagu burburinayo Israa’iil uu sababi karo in Uganda ay dagaalka ku gasho dhinaca Israa’iil.

Wuxuu sheegay in Ciidanka Difaaca Dadka Uganda ee UPDF ay diyaar u yihiin inay tallaabo qaadaan haddii loo baahdo, isaga oo sidoo kale ku andacooday inuu gargaar u bandhigay Maraykanka iyo Israa’iil labadaba.

Qaar ka mid ah hadalladiisii ugu layaabka badnaa, oo uu ku jiray qoraal markii dambe la tirtiray oo uu ku sheegay in ciidamada Uganda ay “72 saacadood gudahood ku qabsan karaan Tehran iyaga oo aan wax duqeyn ah fulin”, ayaa dhaliyay shaki badan isla markaana keenay su’aalo laga weydiiyay sida ay dhab uga tahay soo jeedintiisa.

Kainerugaba wuxuu sidoo kale mowqifkiisa ku saleeyay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, isaga oo xusay taageeradii ay Israa’iil siisay Uganda intii lagu jiray siddeetamaadkii iyo sagaashamaadkii.

Wuxuu mar kale adkeeyay in Israa’iil ay xaq u leedahay inay jirto islamarkaana ay is-difaacdo, isaga oo cambaareeyay weerarrada lagu hayo.

Hadalladan ayaa imanaya iyadoo labada dal ay leeyihiin xiriir soo jireen ah oo qayb ahaan dib ugu laabanaya hawlgalkii Entebbe ee 1976, markaas oo ciidamada Israa’iil ay ka soo furteen dad la haystay garoonka weyn ee Uganda.

Tallaabo astaan u ah xiriirkaas, Kainerugaba wuxuu dhawaan soo jeediyay in goobtaas laga dhiso taallo lagu maamuusayo Yoni Netanyahu, oo ahaa sarkaalkii Israa’iil ee ku dhintay hawlgalkaas, hase yeeshee dowladda Uganda weli si rasmi ah uma aysan xaqiijin qorshahaas.

Dagaalka Israa’iil iyo Mareykanka ay ku qaadeen Iiraan ayaa hadda dhameystay muddo bil ah, ayada oo Mareykanka uu raadinayo waddo lagu soo afjaro,.

Sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal Madaxweyne Donald Trump ayaa maalmahan u sheegay dad ay isku dhow yihiin in uusan doonayn dagaal daba dheeraada, isla markaana uu rajaynayo in colaadda la soo afjaro toddobaadyada soo socda.

Trump wuxuu si hoose ula wadaagay la-taliyayaashiisa inuu aaminsan yahay in colaaddu mareyso heerarkeedii ugu dambeeyay, isaga oo ku booriyay inay ku dhegganaadaan muddada afar illaa lix toddobaad ah ee uu si fagaare ah u shaaciyay, sida ay sheegeen dad xog-ogaal u ah arrintan.

Mas’uuliyiinta Aqalka Cad ayaa qorsheeyay in badhtamaha bisha May uu shir-madaxeed magaalada Beijing ku dhexmaro Trump iyo Hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping, iyadoo la filayo in dagaalka Iiraan la soo gabagabeeyo kahor inta uusan kulankaasi bilaaban.

- Advertisement -

Read more

Local News