27.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 3, 2026

Wiilka Museveni oo Turkey ka dalbaday in hal bilyan iyo gabar ay ka siiyaan Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kampala (Caasimada Online) — Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa abuuray xiisad cusub oo Soomaaliya ay qeyb ka tahay kadib markii uu Turkiga ka dalbaday wax uu ugu yeeray “magdhow amni”, in uu ka siiyo doorkii milateri ee muddada dheer ay Uganda ku lahayd Soomaaliya.

Qoraallo is-daba joog ah oo uu soo dhigay barta X, oo qaarkood dib laga tiray, ayuu wiilka madaxweyne Museveni, Jeneraal Muhoozi ku eedeeyay xukuumadda Ankara inay dhaqaale ahaan ka faa’iideysanayso Soomaaliya, xilli ciidamada Uganda ay dhabarka u riteen culeyska ugu weyn ee dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab iyo ilaalinta jiritaanka dhismaha dowladda Soomaaliya.

Wuxuu si adag uga digay in xukuumadda Kampala ay xiriirka diblomaasiyadeed u jari karto Ankara 30 maalmood gudahood haddii aan wax laga qaban tabashooyinkooda, isagoo sidoo kale sheegay in Uganda ay xiri karto safaaradda Turkiga, xayiraadna ku soo rogi karto duulimaadyada shirkadaha diyaaradaha ee Turkish Airlines.

Waxaa uu dalbadan hal bilyan oo dollar iyo gabadha ugu quruxda badan Turkey.

“Marka laga soo tago 1,000,000,000 ee doolar ee ka imaanaysa Turkiga, waxaan sidoo kale doonayaa in haweeneyda ugu quruxda badan dalkaas ay xaas ii noqoto,” ayuu yiri.

Faragelintan ayaa imaneysa xilli Turkiga uu sii ballaarinayo saameyntiisa dhanka siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga, ayada oo Jimcihii ay Ankara si rasmi ah u billowday qodista shidaalka Soomaaliya, oo la filayo in labada dal ay ka helaan balaayiin dollar.

Joogitaankaas sii kordhaya ee Turkiga ayaa u muuqda midka xuddunta u ah cabashada Jeneraal Muhoozi. Dooddiisa ugu weyn ayaa ah in dalalka dhaqaale ahaan ka faa’iideysanaya xaaladda amni ee ka soo reyneysa ee Soomaaliya ay tahay inay qadariyaan ayna abaalgud siiyaan dalalka dhiigga u daadiyay nabad-ilaalinta sida Uganda. Si dadban, wuxuu xasilinta Soomaaliya si toos ah ugu xirayaa fursadaha ganacsi ee haatan u furmaya saaxiibada shisheeye.

“Ciidamada UPDF waxay Soomaaliya isaga bixi doonaan sanadka dambe. Aan aragno sida ciidanka ‘weyn’ ee Cusmaaniyiinta uu u badbaado marka Al-Shabaab ay madaxooda doonayaan,” ayuu yiri.

Ilaa iyo haatan, ma jiro wax jawaab rasmi ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Turkiga toona.

Sidoo kale, weli ma cadda in hadallada Muhoozi ay ka turjumayaan isbeddel rasmi ah oo ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda Uganda iyo in ay tahay arrin kale oo ku saleysan diblomaasiyadda shakhsi ahaaneed ee sarkaalkan milateri, kaas oo horay ugu caan baxay hadallo xasaasi ah oo uu bannaanka soo dhigo.

- Advertisement -

Read more

Local News