29.7 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Maxay yihiin diyaaradaha dagaal ee saaka lagu arkay hawada Muqdisho? + Video

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 12-ka April maalinta aas-aaska ee Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa waxaa saaka hawada Muqdisho lagu arkay diyaarado dagaal oo ka qayb-qaadanaya dabaal-degga sanad guurada 66-aad ee kasoo wareegatay aas-aaska Xoogga Dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, diyaaradahan ayaa ah nooca dagaalka ee F-16 ee Turkiga, waxaana ay ku damaashadaan hawada caasimada.

Dadweynaha Muqdisho ayaa daawanayaa dabaal-degga ay sameynayaan diyaaradahaan oo qaarkood loogu deeqay Ciidanka Xoogga Dalka.

Sidoo kale, waxaa haatan socoto munaasabad wayn oo lagu xasayo maalinta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo uu ka qayb-galayo madaxweyne Xasan Sheeh Maxamuud, laguna soo bandhigayo cududa ciidamada, gaadiidoodka iyo qalabkooda milatari.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreey Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa geesiyaasha Ciidanka XDS u diray hambalyada sanad guurada 66-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskoodii, isaga oo sheegay in u tahay maalin wayn oo qiimo badan.

“Ciidanka Xoogga dalka, waa laf dhabarka Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale isku hambalyeynaynaa guulaha aan kasoo hooynay agaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada arxanka darran” ayuu yiri Taliye Ibraahim.

12-ka April, sanadkii 1960 ayey ahayd markii la aas-aasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana hadda laga joogaa 66 sano, iyadoo sanadkan ay kusoo aaday, xilli muhiim ah oo  dib usoo kabanayo milariga Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News