Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in ugu badnaan 9 bilood gudahood lagu soo saari doono shidaalka Soomaaliya, kaasi oo haatan la bilaabayo qodistiisa.
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Turkiga, Alparslan Bayraktar oo shalay magaalada Muqdisho uga qeyb-galay soo dhaweynta markabka shidaalka qodaya ee Çağrı Bey ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay bilaabashada howlgalka qodista shidaal ee laga hirgelinayo xeebaha Soomaaliya.
Bayraktar ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo furaysa marxalad cusub oo dhanka tamarta ah. Mashruucan ayuu sheegay inuu yahay natiijada iskaashi sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, isla markaana ka tarjumaya rabitaan wadajir ah oo labada dhinac ah.
“Howlgalka wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee Turkigu ka fuliyo qodis badeed oo qoto dheer meel ka baxsan xuduudihiisa,” ayuu yiri Bayraktar, isagoo xusay in howlgalka uu calaamad u yahay in Ankara ay ku biirtay dalalka sameeya sahminta tamarta ee badda fog.
Sidoo kale wuxuu sheegay in qiyaastii 500 oo shaqaale ah ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalka, iyadoo la qorsheynayo in qodista lagu soo gaba-gabeeyo muddo u dhaxeysa lix ilaa sagaal bilood, haddii xaaladaha cimiladu oggolaadaan.
Wasiir Bayraktar ayaa ku tilmaamay howlgalka mid taariikhi ah oo ka tarjumaya himilada tamareed ee Turkiga, isaga oo sheegay in mashruucani caddeyn u yahay qorshaha Ankara ee ah inay noqoto quwad saameyn ku leh tamarta caalamka.
Markabka Çağrı Bey ayaa billaabaya qodista ceel ku yaalla meel qiyaastii 372 kiiloomitir u jirta xeebaha Soomaaliya. Ceelkaas ayaa loo bixiyay “Curad-1”, waxaana la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah ceelasha shidaal ee ugu qoto dheer dunida ee badda laga qodo.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Tamarta ee Turkiga, howlgalka ayaa laga fulin doonaa biyo qoto-dheerkoodu gaarayo ilaa 3,500 mitir, halka ceelka laftiisa uu sii degi doono ku dhowaad 4,000 mitir oo kale oo ka hooseeya gunta badda. Taas ayaa wadarta qoto-dheerta ka dhigeysa ku dhowaad 7,500 mitir.
Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegaya in Curad-1 uu sidaas ku noqon karo ceelka labaad ee ugu qoto dheer adduunka ee badda laga qodo.
Goobta qodista ayaa la xushay kadib markii markabka cilmi-baarista dhulka ee Turkiga ee Oruç Reis uu 234 maalmood ku qaatay ururinta xogta juqraafiyeed ee saddex baloog oo ku yaalla biyaha Soomaaliya. Baaritaannadaas ayaa daboolay aag dhan 4,464 kiiloomitir oo laba jibbaaran, ka hor inta aan khubaradu go’aamin goobtan loo arkay inay tahay meel rajo weyn leh.
Ciidanka badda ee Turkiga ayaa sidoo kale taageeri doona howlgalka, iyadoo maraakiibta TCG Sancaktar, TCG Gökova iyo TCG Bafra ay ilaalin doonaan markabka Çağrı Bey inta uu socdo howlgalka.
Si kastaba, howlgalka Soomaaliya wuxuu qeyb ka yahay dadaalka ballaaran ee Turkiga uu ku doonayo inuu ku ballaariyo sahminta shidaalka iyo gaaska ee dibadda, isla markaana uu ku yareeyo ku tiirsanaanta tamarta dibadda laga soo dejiyo.

