‘’Wiilkeyga waxa uu ahaa nin diinta ku adag hadana DAACISH ayuu iga aaday’’ sidaa waxaa yiri….

Muqdisho (Caasimada Online)-Warka laga helaayo Sirdoonka Dalka Canada, ayaa sheegaya in Muwaadin Somali-Canadia ah uu kamid noqday Dagaalyahaanada Daacish ee ka dagaalanta Dalalka  Ciraaq iyo Syria.

Sirdoonka ayaa xaqiijiyay in Maxamuud Maxamed  oo 19 Jir  uu si dhuumaaleysi ah uga baxay Dalka Canada Gaar ahaan Magaalada Hamilton kuna biiray Daacis.

Sirdoonka ayaa sidoo kale sheegay in bixitaanka Wiilkaasi uu xaqiijiyay Aabaha dhalay Wiilkaasi oo lagu Magacaabo Maxamed.

Aabe Maxamed oo la hadlay Idaacada VOA laanteeda Af soomaaliga, ayaa sheegay in uu Wiilkiisa ka soo wacay Dalka Turkiga ka dibna uu u sheegay in uu ku wajahan yahay Dalka Syria.

Aabe Maxamed waxa uu sheegay in markii ugu danbeysay wiilkiisa uu sheegay inuu ku biiraayo Dagaalka Daacish.

“Haa Wiilkeeyga Maxamuud Maxamed waxan ku xasuustaa inuu ahaan jiray wiil ku ad adag diinta. Waxan jeclahay in lagu tashkiiliyay xiliyada uu ku sugnaa Masjidka, waayo kama uusan bixi jirin’’ sidaa waxaa yiri Aabe  Maxamed.

Dhanka kale, Muwaadinkaani Soomaaliyeed, ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa dhowr dhalinyaro Soomaaliyeed oo isugu jira Ragg iyo dumar oo iyagu ku biiray Kooxda Daacish.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com