25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Willian: Hamigeygu waa inaan u ciyaaraa Chelsea.

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Xidiga diirada u saran kooxda Chelsea Willian ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu riyadiisu dhameystiro uuna xagaaga ku biiro kooxda Stamford Bridge, sida uu qoray wargeyska Mail on Sunday.

Kubad habeeyaha kooxda Shakhtar Donetsk ayaa rajo ka qaba inuu xagaagaan u dhaqaaqo Blues oo ah kooxda uu ku riyoodo.

Chelsea ayaan noqon doonin kooxda keliya ee Ingiriis ah ee xiiseyneysa xidigaan qaranka Barzil, laakiin saxiixiisa tartan ayey kala kulmi doontaa.

“Hamigeygu waa inaan u ciyaaraa koox weyn oo ciyaarta heer sare,” ayuu xidigaani u sheegay ESPN.com.br.

“Hadii aan kuu sheego runta waan faraxsanahay, been ma sheegayo. Hamigeygu waa inaan aadaa Chelsea waxay igu soo dalbatay 20.3 milyan oo ginni waa dalab ka yimid koox weyn. Waxaan doonayaa inaan aado, laakiin ma sameyn karo sababtoo ah kooxdeyda ayaan qandaraas kula jiraa.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan.

E-mai: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

- Advertisement -

Read more

Local News