XAAF: Anigu ma ahi nin ka gambada waxa u roon xaqiiqdana waxay tahay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa shaaca ka qaaday in shaqsi ahaantiisa uusan caqabad ku aheyn xal u helida heshiis laga gaaro Khilaafka kala dhexeeya madaxda kale ee maamulka.

Xaaf, waxa uu sheegay in Galmudug ay soo martay dhibaatooyin ku filan, sidaa aawgeedna uusan diyaar u aheyn in xiligaan uu hormuud u noqodo Khilaaf ka taagan maamulkiisa.

Waxa uu Xaaf sheegay in isaga, Carabeey iyo Cali Gacal Casir ay isku khilaafi karaan Siyaasada balse ay ka mideysan yihiin in Galmudug la dhigo halka ay mudneyd oo ah Nabad iyo Hormar.

Waxa uu tusaale usoo qaatay waxa sababay Khilaafka waxa uuna cadeeyay inuu ka dhashay hanaanka dib leysugu shaandheynayo Golaha Wasiirada, Kuraasta ay yeelan doonto ahlusuna iyo tuhun uu sheegay in ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha baarlamaanka ka qabaan in afar sano hor leh uu ku darsaday mudad uu sii heynaayo xilka.

Wadahadalka u dhexeeya Madaxda maamulka ee ka socda magaalada Muqdisho ayuu sheegay inuu kusoo dhamaan doono guul waxa uuna Xaaf meesha ka saaray in khilaafka uu yahay mid ku saleysan Horumarka , balse uu yahay mid ku eg keliya Siyaasada.

“Wadahadalkeena waxa uu yeelan doona mirro dhal, anigu dan uma arko in Khilaaf aan saaxiib u noqono ama la xumeeyo Ahlusuna, sidaa darted waan isaga soo dhawaan doona halka aan hadda kala taaganahay”

Sidoo kale, Xaaf ayaa Madaxda Dowlada ku amaanay sida wanaagsan oo ay uga qeybqaadanayaan xalinta Khilaafka waxa uuna ku baaqay in la xoojiyo dadaalka lagu heshiisiinayo maamulka.

Dhinaca kale, wadahadalka Madaxda Galmudug ay ka dhexwado Wasaarada arrimaha gudaha Somalia ayaa laga muujinayaa rajo wanaagsan oo abuuri karta jawi wada shaqeyneed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com