ERDOGAN: Quluubta kala qeybsantay ee dalkiisa ma isku soo dhoweyn karaa?

Ka dib sanad kale oo ay doorasho ka dhacday dalka Turkiga oo uu ku guulestay Erdogan, ayaa waxay u egtahay in mar kale uu dalka aad u qeybsamay.

Siday arrintani ku dhacday?

Mucaaradka rajo badan ayay ka qabeen doorashadan. Waxay sameysteen isbaheysi, waxayna rajeynayeen in taageeradooda oo la isku daray ay wiiqi doonto aqlabiyadda baarlamaaniga ee xisbiga madaxweyne Erdogan.

Doorashada madaxtinnimadana waxay ku han weynaayeen in musharrraxa xisbiga bidix dhexe ee CHP, Muharrem Ince, uu guul soo hoyn doono. Waa nin aftahan ah, kasabadayna taageero badan sanadihii dhawaa.

Qiyaasaha qaar ayaa muujinayay in ugu yaraan uu sababi doono in Recep Tayyip Erdogan inuu galo wareeg labaad oo codbixin ah.

Korarkii uu ku socday dhaqaalaha Turkiga ayaa hakad ku yimid, iyadoo qiimo dhac uu ku yimid lacagta Turkiga ee Lira taasoo ka careysiisay dad badan oo taageero u hayay Erdogan.

Erdogan ayaa meesha ka saaray rajadii ay qabeen mucaaradka. Xarunta xisbigiisa waxaa qabsaday dabbaaldegyo ballaaran ka dib markii ay soo baxeen natiijooyinka hordhaca ee doorashooyinkii madaxtinnimada iyo kuwii baarlamaaniga.

” Erdogan wax kasta ayuu nooga dhigan yahay. Dalkan ma jireen la’aantiis,” mid ka mid ah taageerayaashiisa ayaa BBC-da sidaa u sheegay.

” Argagaxisada ayaa guul darreysatay, Qaranka Turkiga ayaana guuleystay” ayuu yiri taageere kale oo xambaarsan wiilkiisa oo madaxa ku xiran maran astaan u noqotay taageerada Erdogan. “Muslimiinta dhabta ah ayaa guuleysatay,” ayuu intaasi sii raaciyay.

labo arrimood oo la yaab leh ayaa dhacay oo u sii sahlay madaxweynaha guusha uu gaaray.

Midda hore waxay tahay in iskudarka codadka musharrixiinta la tartamayay Erdogan ee Muharrem Ince iyo Meral Aksener aysan u badnayn sidii la saadaalinyay.

Mr Ince codka uu helay ee 30.7% waxay aad uga badnayd qiyaasihii la sheegayay tan iyo markii uu ololaha ku soo biiray bishii April. Isbuuciyadii u dambeeyay waxaa banaabaxyadiisa ka qeybgalayay malaayiin qof.

Balse Ms Aksener – oo lagu naaneyso dawacada– oo mar loo arkayay inay tahay khatarta ugu wayn ee soo foodsaartay Erdogan ayaa heshay codad ka yar wixii ay filaysay.

Arrinta labaad ee la yaabka leh waxay ahayd doorashada baarlamaaniga, oo xisbiga ka tirsan bahwadaagta midigta fog ee madaxweynaha ee MHP uu helay kuraas ka badan kuwii la filayay.

Hogaamiyaha xisbigaasi oo 70 sano jir ah loona arkayay inuusan taageero wayn lahayn, oo aan wax banaanbax ah qabanin ayaa ku guuleystay in xisbigiisa uu u helo codad ku filan in la sii joogteeyo aqlabiyadda uu baarlamaanka uu ku lahaa madaxweyne Erdogan.

Waxa jiray eedeymo sheegaya inay jireen wax isdaba marrin baahsan.

Intii ay tirinta codadka socotay ayaa mucaaradku waxay ku doodeen in wakaaladda wararka ee dowladda ee Anadolu, ay ku dhawaaqeysay natiijooyin iyadoo aanba santuuqyada codadka wali la furin.

Malaayiin codad ayaan la tirinin, sida uu sheegay xisbiga CHP oo su’aal geliyay halka wakalaadda warara ee ay dowladd maamusho ay ka heleysay natiijooyinka ay baahineysay.

Warbaahiinada kale ee toos u tebin jiray natiijooyinka ayaa la xiray ama la xaraashay labadii sano ee la soo dhaafay.

Dowladda iyo wakaaladda wararka ee Anadolu, ayaa beeniyay eedeymahaasi. Erdogan ayaa uga digay mucaaradka in guuldaradooda aysan u saarinin hanaanka doorashada.

Xaqiiqadu waxay tahay in taagerayaasha Erdogan aysan sinnaba u aqbali lahayn guuldarro hadii laga guuleysan lahaa musharraxooda. Waxay u arkaan inuu yahay codkoodii. Waxay dareemayaan in xukumadihii hore ay gacan bidixeyn xoog leh ku sameeyeen.

Waxba ugama dhigna iyaga bartaTwitterka ee la xiyaray ama wariyayaal xabsiga loo taxaabay. Taa badalkeeda, waxaa iyaga wax weyn uga dhigan buundooyinka , garoomada diyaaradaha, iskuullada iyo isbitaaalada uu Erdogan dhisay oo noloshooda wax wayn ka badalay.

Dadka isaga dhaliishan ayaase u arka in hadallada qalafsan ee hogaamiyahooda ay sii fogeyneysa riyadoodii ahayd inay ku biiraan Midowga Yurub.

Dadka dhaliishan Erdogan ayaanse wali rajo beelin. Inkastoo 90% warbaahinta ay taabacsan tahay dowladda, doorashadana la qabtay iyadoo dalka uu ku jira xaalad deg deg ah, mucaardka iyo aqoonyannho badana dibad joog laga dhigay, iyadoo ay sida atahay waxay guul u arkaan in madaxweynaha uu taageero ka helay 50% shacabka dalkaasi.

“Waxaan ku hoos nool nahay xukumad fashiist ah,” ayuu yiri Selin Sayek Boke oo ah xildhibaan ka tirsan mucaaradka.

“Balse xukumadaha fashiist inta badan guusha doorashadooda ma ahan 53% ee waa 90% iyo ka badan. Marka waxay tani ku tuseysaa in xoogagga isbadal doonka ah ay wali jiraan.”

Balse hadda Erdogan waxa uu ku naaloonayaa awoodaha ballaaran ee uu ka helay dastuurka cusub ee la meel mariyay sanadkii la soo dhaafay. Waxaa ka mid ah inuu soo xuli kara wasiirada iyo garsoorayaasha. Waxay taasi ka dhigeysaa inuu yahay hogaamiyihii ugu awoodda badnaa dalkaasi tan iyo xukunkii aabihii aasaasay Turkiga ee Ataturk.

Rajadiisu hadda waxay tahay inuu sii maamulo dalkan tan iyo sanadda 2023, 100 sano ka dib markii la alkumay. Mucaaradkana waxay u tahay fursad ay boorka isaga jafaan oo ay ka shaqeeyaan qorshe kale iyo sidii ay doorashada xigta ugu guuleysan lahaayeen Erdogan.

Xigasho: BBC Somali