Xaafado ka mid ah Muqdisho oo uu barakac ka billowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta ugu badan qoysaska ku nool degmada Boondheere ee gobalka Banaadir, gaar ahaan xaafadaha ku yaalla agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ayaa billaabay in ay ka baxaan guryahooda, una wareegaan xaafado kale oo magaalada ka mid ah.

Dadkan, oo qaarkood la hadlay Caaismada Online, ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan inay halkaas ku dagaalamaan ciidanka dowladda iyo kuwa mucaaradka, ayada oo la rumeysan yahay in dowladda ay weerari doonto banaan-baxa.

Qaar ka mid ah shacabkan ayaa sheegay in saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ay dad badan ka guureen xaafadahooda, iyagoo gaaray goobo kale oo aamin ah, waxayna sii maqnaan doonaan inta banaanbaxa ka istaagi doono, sida ay sheegeen. 

“Waxaa naga mid ah carruur iyo dumar mana awoodno dagaal waxaan go’aansanay in aan ka baxno guryaheena,” ayey yiraahdeen qaar ka mid ah qoysaskaan oo warbaahinta la hadlay.

Lama oga sida uu xaalka ahaan doono hase-yeeshee waxaa muuqda ififaalo aan wanaagsaneen oo sahli kara in dagaal ka dhaco Muqdisho, islamarkaana ay xaaladda faraha ka bixi karto.

Barakac ka dhaca Muqdisho waxaa ugu dambeysay xiligii ay socdeen dagaalada Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda dhamaadkii sanadkii 2009 iyo bilaawgii 2010-kii, xiliyadaas oo Al-Shabaab laga saaray Muqdisho.