Ciidan uu hoggaaminaayo Indha-Cadde oo la wareegay taalada Daljirka (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo xoog leh oo uu hoggaaminayo Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa caawa la wareegay ammaanka fagaaraha Taallada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Fagaaraha Dajirka ayaa berri lagu qabanayaa banaanbaxa ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, kuwaas oo galabta socdaal dhoola tus ah ku tegay Daljirka.

Ciidamada uu hoggaaminayo Indhacadde oo wata gaadiidka dagaalka ayaa isku gedaamay fagaaraha taallada Daljirka, waxaana halkaas warbaahinta kula hadlay Jeneraal Indhacadde.

“Halkaan waxaan caawa u joogaa kormeer, si aan ula socdo ammaanka goobtan berri banaanbaxu ka dhacayo… cid ii wakiilatay malahan howshan oo dalku dowlad malahan, halkaana waxaa I keenay damiirka igu jira, si loo helo dowlad dadku soo dhisteen oo doorasho ku timaada,” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde.

Jeneraalka ayaa ku cel-celiyey in wax maamul ah uusan dalka ka jirin, “Anigu wasiir ayaan ahaa jiray, marka wasiirka hadda jira waa anigoo kale wasiir ayuu ahaan jiray, Cabdiqaasin oo caawa jooga Masar iyo Farmaajo waa isku mid, laba madaxweyne oo hore waaye,” ayuu yiri Indhacadde.

Waxa uu sheegay in dadka uu u xaqiijinayo in goobtan ay la wareegeen ammaankeeda, isla markaana uu berri si nabad ah uga dhici doono banaanbaxa ay iclaamiyeen musharaxiintu.

“Dadweynaha waxaan ugu baaqayaa in aysan wax dhib ah sameyn, xukuumadda waxaan ugu baaqayaa in xaqa dastuuriga ah aysan ka hor imaan, dadka waxaan leeyahay afar askari oo jidka taagan idinma  celi karto ee soo baxa,” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde.

Sidoo kale Jeneraalka ayaa ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ugu baaqay in aan loo adeegsan dhibaateynta shacabka isku soo bixi doona berri.

Hoos ka Daawo