Xog: Farmaajo iyo Rooble oo isku khilaafay mowqifka xukuumadda ee banaanbaxa

Muqdisho (Caasimada Online)-Xog ay ka heshay Caasimada Online xafiisyada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegeysa in kala aragti duwanaasho xoog leh uu ka taagan yahay mowqifka dowladda ee banaanbaxa berri.

Ilo ku dhaw labada xafiis ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ra’iisul wasaare Rooble uu soo jeediyey in banaanbaxa ay iclaamiyeen musharaxiintu la ogolaado, isla markaana ay dowladdu qaadato doorka kaga aadan sugidda amniga.

Hase yeeshee Madaxweyne Farmaajo ayaa diiday soo jeedintaas, sida aan xogta ku helnay, waxaana dib loo dhigay war lagu cadeyn lahaa mowqifka xukuumadda ee banaanbaxa berri oo Jimco ah ka dhici doona Muqdisho.

Warkaas oo lagu fasaxayo banaanbaxa ayaa la qorsheeyey in caawa fiidkii laga soo saaro xafiiska ra’iisul wasaare Rooble, balse waxaa si adag uga hor yimid madaxweyne Farmaajo oo doonaya in gabi ahaanba la joojiyo banaanbaxa.

Caawa waxaa madaxtooyada ka socda kulamo ay madaxda waqtigu ka dhamaaday uga arrinsanayaan banaanbaxa berri la iclaamiyey, kaas oo sida laga dareemayo Muqdisho aad loogu diyaar garoobay.

Markii ay soo dhamadaan kulamada u socda madaxda, waxaa la filayaa in isla caawa ay dowladdu shaaciso mowqifkeeda banaan-baxyada burrito.

Dhanka kale ciidamo xoog leh oo uu hoggaaminayo Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa caawa la wareegay ammaanka fagaaraha Taallada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Fagaaraha Dajirka ayaa berri lagu qabanayaa banaanbaxa ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, kuwaas oo galabta socdaal dhoola tus ah ku tegay halkaas.