Xaafado ka tirsan Muqdisho oo madaafiic hoobiyeyaal ah kusoo dhaceen

Muqdisho (Caasimadda Online)– Wararka naga soo gaaraya xaafado ka tirsan caasimada dalka ee Muqdisho ayaa sheegaya in dhowr hoobiye ay kusoo dhaceen xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley.

Warku wxuuu intaa ku darayaa in qaraxyada hoobiyeyaasha oo laga maqlay magaalada ay ahaayeen ilaa shan hoobiye oo kusoo dhacay xaafadaha Baar Ayaan, Garoonka Stadium Muqdisho, Cali Kamiin iyo xaafadaha u dhow dhow.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi hoobiyaha ah, inkastoo gaadiidka gurmadka ay goobaha ay kusoo dhaceen qaraxyadaasi ay gaareen.

Qaraxyadaan ayaa imaanaya saacado kadib, markii gaari isku miidaamiyay deegaanka Siinka Dheer, halkaasoo ciidamada ku baaraan gaadiidka soo gala Muqdisho. Sidoo kale, wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta loo xiray arrimo amni.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com