Itoobiya oo si rasmi ah ugu biirtay Heshiiska DP World kula wareegtay Dekadda Berbera (Akhriso Heshiis cusub)

Berbera (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay heshiis shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka kula wareegtay maamulka dekadda Berbera ee maamulka la baxay Somaliland.

Heshiis maanta ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah looga dhawaaqay goor dhoweyd in Itoobiya ay saami dhan 19% ku leedahay Dekadda Berbera, halka Shirkadda DP World ay sideedii hore u heysan doonto 51%, laakiin Somaliland ay ku soo hartay saami dhan 30%.

Heshiiska waxaa dhinaca Somaliland u saxiixay Sacad Cali Shire oo ah wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, dhinaca Itoobiya waxaa u saxiixay Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Axmed Shadi. Dhinaca kale waxaa Shirkadda DP World ay shaacisay in ku biirista ay Itoobiya ku biirtay heshiiskan uu wax weyn ku kordhin doono horumarinta dekadda Berbera iyo jid dheer oo isku xira Itoobiya iyo Berbera.

Mas’uuliyiinta saddexda Geesood ee heshiiskan dhex maray ayaa bogaadiyey qorshaha ay ku shirkoobeen, waxaana Wasiirka Itoobiya uu sheegay in muddo sanad ka badan oo wadahada ay socdeen ugu danbeyn ay Itoobiya ku biiray mashruuca dekadda Berbera.

Hore ayay Somaliland u shaacisay in Itoobiya ay qeyb ka tahay heshiiska DP World ee dekadda Berbera, iyadoo xilligaas aanay sharci ahayn ama qarsoodi loo sheegay, balse maanta uu dhacay saxiixaasi.

Saxiixa heshiiskan oo kulmiyey dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa ka dhacaya dalka Imaaraadka iyadoo uu ku sugan yahay Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com