Xaaji Maxamed Yaasiin: Cudur la filayey loo ma xauunsado

Kursi Laaluush iyo nacalada Allah lagu kasbaday lagama filayn in lagu helo tawfiiq, wadajir iyo horumar.

Yaa gardaran Farmaajo iyo Rooble?

1- Farmaajo wuxuu khasaariyey 4 sano oo loo igmaday inuu:

– Dhamaystiro dastuurka qabyada ah.
– Inuu dhiso maxkamadda dastuurka si aysan u dhicin qalaalasaha siyaasaddaa dalkeena ragaadiyey.
– In dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo codkiisa.
– Inuu si fiican uga fiirsado qofka uu u magaacabayo Ra’iisal Wasaare, isagoo eegaya aqoontiisa, waayo aragnimadiisa iyo daacadnnimadiisa.
– Madaxwaynaha waa inuu yahay hoggaamiye deggan oo sabur leh, fahmi kara sida looga dabaasho xiliyada adag isagoo u turaya dalka iyo dadka..

Hadaba, maxaa xal ah? 

Jaalle Madaxwayne, adigaa inoo keenay Khayre iyo Rooble, sidaa awgeed, waxay bi’yaan adaa masuul ka ah..blame yourself. 

Jaalle Madaxwayne, madal markhaati leh ayaad Rooble ku wareejisay awoodihii dawladda..Pay your price!

Jaalle Madaxwayne, Qadiyadda murugsan ee Ikraan Tahliil waxa mas’uul ka ah kooxdaada, Rooble “Suudaanta” ma keenin.

Jaalle Madaxwayne, waxaad lumisay kalsoonidii shacabka madaama aad fulinwaysay balamadii aad qaadatay, garabkaaga waxa ka baxay qaybtii fulinta ee dawladda, qaybtii garsoorka, maamul goboleeyada, murashaxiinta, ururada bulshada, culimada, iyo beesha caalamka.

Jaalle Madaxwayne, waad ogtahay in aad magacaabi karto ra’iisal wasaare laakin aadan lahayn awood dastuuri ah aad ku ceeriso ama awoodda rai’sal wasaaraha aad ku xakamayso.

Jaalle Madaxwayne, waxaad ogtahay in waqtigii laguu igmada kaa dhammaaday, fadlan madaxaaga ka cesho ciidda, islamarkaana dalka iyo dadka badbaadi.

Ugu dambayn, Jaalle madaxwayne, waxaa kuu soo jeedinayaa inaad raacdo qaabkii uu ku tanaasulay madaxwayne Cabduallahi Yuusuf (Aun).

A markhaati ka noqo inaan walaalkay, Jaalle Farmaajo, u naseexeeyey.

Alloow Somaali tawfiiqda iyo tubta toosan waafaji. Aamiin

W/Q: Xaaji Maxamed Yaasiin

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid