28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xaalad adag oo caawa ka taagan Dayniile iyo mucaaradka oo..

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad adag ayaa caawa ka taagan gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kadib markii ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah oo ka careysan burburin ay dowladda Soomaaliya ka waddo xaafado ka tirsan degmadaasi.

Dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay laamiga dheer ee Dayniile, iyaga oo xirtay aagga aargada degmadaas oo ay bar koontarool ku leeyihiin ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dibadbaxayaasha iyo ciidamada ay isku dhaceen, waxaana inta uu socday banaanbaxa xaafadda Raadeerka lagu dilay Maxamed Cabdullaahi Xasan oo kamid ahaa dhalinyarada deegaanka, kadib rasaas ay ku fureen ciidamada dowladda.

Intaas kadib xaaladda ayaa faraha ka baxday, waxaana dibadbaxa uu ku fiday qaybo kamid ah egmada, iyadoo uu kasoo muuqday Gaylac oo kamid ahaa saraakiishii badbaado qaran.

“Waxaa idin imaan doono dad la leeyahay idinka ayay idin metalaan ha dhowna laaluush ayay qaadan doonaan anigu dagaala idin dhihi maayo haddii aadan idinku garanina. Ciise Cabdi illaa Ex-koontarool Balcad inta u dhexeysa adinkoo dad isku xirana go’aan qaata” ayuu yiri Gaylac oo la hadlayay dadweyne careysan oo isugu soo baxay degmada Dayniile.

Dhinaca kae, xubnaha mucaaradka ayaa si deg-deg ah arrintan uga falceliyay, waxayna cambaareeyeen tallaabada dowladda ee ku aadan barakicinta shacabka degmada Dayniile.

Madaxweynihii hore ee dowladddii KMG ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo qoraal soo saaray ayaa cambaareeyay barakicinta shacabka iyo dilka caawa ka dhashay.

“Waxaan uga digayaa madaxda sare ee dowladda Federaalka ah inaysan iska indha-tirrin dareenka bulshada ee cirka isku sii shareeraya anigoo dareenkayga si gaar ah ula wadaagaya shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Dhankiisa, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo tacsi u diray qoyska marxuumka ayaa musiibo ku tilmaamay waxa ka socda Dayniile.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska Maxamed Cabdullaahi Xasan oo ay caawa ciidanka dowladdu ku dileen xaafadda Raadeerka ee degmada Deyniile. Waxaan Alle uga baryayaa in uu u naxariisto marxuumka, una boogadhayo shacabkii ay ciidanku ku dhaawaceen iyagoo ka dhiidhinaya dhulboobka ay dowladda ku waddo degmada Deyniile” ayuu yiri Khayre.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa ayaandarro iyo musiibo qaran ah in dowadda Madaxweyne Xasan Sheekh ay laynayso shacab Soomaaliyeed si ay uga barakiciso guryahooda, ugana boobto dhulal ay sifo sharci ah ku bixiyeen dowladihii hore, ciidankii qarankana u adeegsanayso barakicinta iyo gumaadka shacabka”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isna qoraal soo saaray ayaa yiri “Allaha u naxariisto Maxamed Cabdullaahi Xasan oo ay caawa ciidanka ammaanka dowladda ku dileen Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile. Maxamad wuxuu ka mid ahaa shacab dibadbaxayaal oo ka soo horjeeday barakicinta danyarta loogu awood sheegtay saxiixa Madaxweynaha, ciidanka iyo hubka qaranka.  Suuragal maaha in laga aamuso dulmiga ku dhacaya bulshada, gaara ahaan danyarga lana fisho badbaado. Ilaaheey wuxuu inoo sheegay in fidnada ay huriyaan kuwa gaboodfalaya aysan iyaga ku eekaan doonin”.

- Advertisement -

Read more

Local News