Xaaladda Shabaab kii galay Itoobiya iyo howlgalkii socday oo war laga soo saaray

Jigjiga (Caasimada Online) – Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku dhowaaqday in lasoo afjaray hawlgal qaatey afar maalmood oo ka socday gobolka Afdheer, halkaasi oo ay galeen boqolaal ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

War-murtiyeed kasoo baxay Guddiga Amniga ee Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa lagu sheegay in kooxdan ujeedkoodu ahaa in ay u gudbaan Ismaamulka Oromiya si ay uga mid noqdaan koox argagxiso ah oo loogu yeero Shane. 

War-murtiyeedka ayaa intaas ku daray in ugu yaraan 100 Al-Shabaab ah la dilay intii uu socday howgalka, inkasta oo aan taas si madax-banaan loo xaqiijin karin.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka:

Waxaa la soo afjaray kooxdii Argagixisada Alshabaab ee 4 maalmood ka hor duulaanka ka soo qaaday aaga “Aato” ee soo gashay Gobalka Afdheer kadib markii ay Ciidamada Xooga Gaarka ee DDS ay ku hareereyeen aaga “Hulhul”, waxaana la laayay dhamaanba Argagixisadii naf la caariga ahayd.

Kooxdan Argagixisada Alshabaab ayaa ujeedkooda iyo damacoodu ahaa in ay galaan Deegaanka Oromiya iyagoo raba in ay sii maraan Dagmada Celkari oo ay ku biiraan kooxda argagixisada ee Shane.

Argagixisada naf la caariga ee Al shabaab iyagoo an gaadhin halkii ay u socdeen ayaa waxaa laga gubay 13 Baabuur oo ay wateen, waxaana laga qabtay dhamaanba Hub, isgaadhsiin iyo Agabkii ay wateen.

Hawlgalka ay Ciidamada Xooga gaarka DDS ay qaadeen sadex dii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanayd Argagixisada Alshabaab.

Guusha ay gaadheen Geesiyada xooga gaarka ee Dawlada Deegaanka Somaalida iyo in la soo af jaro hawlgalka waxaa qayb libaax ka qaatay Shacabka Deegaanka Soomaalida , oo Ciidamada Xooga gaarka ah garab istaag heerkii usaraysay umuujiyay, iyagoo ugu deeqay Raashin kala duwan, Xoolaha nool, Cabitaanno, Lacag iyo waliba Dhiig shubis.

Sidas darteed Golaha amaanka ee Dawlada Deegaanka Soomalidu waxa uu u mahad celinayaa shacabka Deegaanka oo sidii horayba loogu yaqiinay ugarab istaagay Ciidamadooda.

Ugu dambayn Goluhu waxa uu shacabka la wadaagi doonaa xogaha ku saabsan Hawlgalka.