Daawo: Muudey oo Xasan Sheekh u sheegay maalinta ay tahay in Roobow lasii daayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa codsi u diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Codsi Muudey ayaa la xariira xabsiga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, kaas oo Muqdisho uga xiran dowladda Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2018-kii.

Muudey oo xarigga Mukhtaar Roobow aan ka hadlin intii uu ka tirsanaa madaxda ugu sareysa dalka ayaa codsigaan uga faa’iideystay madal ay isugu yimaadeen siyaasiyiin reer Koonfur Galbeed ah oo Muqdisho uga dhawaaqay isbaheysi ka dhan ah madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Wuxuu sheegay Muudey in Mukhtaar Roobow uusan sharci ku xireyn, sidaas darteedna uu Madaxweynaha Soomaaliya ka codsanayo in wadaadkaas laga sii daayo xabsiga.

“Odaga Sheekh Mukhtaar ah waxa uu ku xiran yahay ma naqaano, umana maleynayo inuu sharci ku xiran yahay, madaxweyne masuuliyadda dalka adigaa hadda la wareegay, qofka muwaadinka ah xaq ayuu leeyahay, waana in la dhowro xaqa muwaadinka,” ayuu yiri Muudey.

Sidoo kale Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey wuxuu codsigiisa ku sii xoojiyey in Jimcaha soo socda uu madaxweyne Xasan Sheekh ka shaqeeyo, sidii Mukhtaar Roobow oo xor ah uu Masaajidka ugu soo dukan lahaa.

“Madaxweyne kheyr allaha ku siiyee wadaadkaas masaajidka Jimcada haku soo dukado, dadkaan u istaagay samata bixinta Koonfur Galbeed, isagaa ugu horeeya,” ayuu yiri.

Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa qeybaha dambe ee hadalkiisa ku weeraray Laftagareen, isagoo ka hadlay xaaladda maamulka Koonfur Galbeed,, wuxuuna madaxweynaha maamulkaas ugu baaqay in meesha uusan ku ceeboobin, isagoo isku dhejinaya xukunka.

“Cabdicasiis hadii uu anaga naga reebay tartankii doorashada baarlamaanka, kaligeen ma aanaa khasaarine, isna waa khasaaray, sababtoo ah waxaba kama faa’iidin dadkii uu soo saartay, marka waxaan leenahay qof cuqdad kuu qabta malahane, ha isku dhijin xukunka,” ayuu yiri Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.

Hoos ka daawo