Xaflad lagu maamuusayay magacaabista R/W Xamza oo ka dhacday Netherlands

Amsterdam (Caasimada Online) – Xaflad lagu maamusayay magacaabista R/wasaaraha Xukuumadda Fededaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayna soo qabanqaabiyeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Netherland ayaa lagu qabtay Magaalada Denhaag. 

Xafladdan, oo aheyd mid aysan u kala harin guud ahaan Jaaliyadaha Soomaalida,  waxaa ka soo qeybgalay Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya wadamada Benelux & Midowga Yurub Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi, Guddoomiyayaashii hore ee dalladda FSAN Dr. Cali Waare & Xuseen Khadiib, Guddoomiyaha xilligan ee dalladda Maxamed Askari, madax ka tirsan Jaaliyadaha Soomaalida, aqoonyahanno, fannaaniin & marti sharaf ka socotay hormuud-ka bulshada Soomaalida. 

Guddigii xafladda soo qabanqaabiyay oo ay horkacayeen Guddoomiyihii hore dalladda FSAN Xuseen Khadiib & aqoonyahan Liibaan Honest ayaa abaalmarin sharfeed guddoonsiiyeen Dr. Cali Waare oo dalladda FSAN madax ka ahaa muddo 8 sanno, si weynna loogu ammaanay muddadii uu xilkaasi hayay inuu taariikhda baal-dahab ah kaga galay is-garab taaga dadka Soomaalida ah ee u baahan in la caawiyo.  

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub & Benelux ayaa lagu sharfay in Cali Waare uu guddoonsiiyo abaalmarintaas. 

Cali Waare oo madasha ka hadlay ayaa hambalyo & duco u diray Raysul Wasaare Xamza. 

“Raysul Wasaare, dadka Soomaaliyeed ee Holland way ku soo dhoweynayaan, way kuu duceynayaan, wayna kuu hanweyn yihiin, waxaan rajeyneynaa adiga, Madaxweynahaaga & Dowladaada in si daacad ah aad dalka & dadka ugu shaqeysaan, kana shaqeysaan wixii ummadda Soomaaliyeed danteeda ah, kana fogaada wax kasta oo keeni kara khilaaf, dadka Soomaaliyeed aad ayeey u daalan yihiin” Ayuu yiri Cali Waare, wuxuuna intaasi raaciyay in ummadda u hamuun u qabaan Dowlad ka shaqeysa danaha dalka.  

Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN C/qaadir Cali [Nuune] oo guddiga abaabulka ka tirsanaa ayaa isagoo ku hadlayay magaca dalladda  FSAN ku tilmaamay xaflada in ay tahay astaan muujineysa midnimada & Soomaali-jacaylka dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan NL caanka ku yihiin. 

“Walaalayaal, Soomaaliya ayaa ina sugeysa, waddan kasta marka ay dhibaato ka dhacdo dadkiisa ayaa u kaca, Soomaalidu waa in ay gacmaha is qabsataa oo Dowladeeda taageertaa, Madaxweynaha & R/wasaaraha waxaan u rajeynayaa in ay noqdaan kuwa Soomaaliya gaarsiiya meeqaamkii ay mudneyd” Ayuu yiri C/qaadir Nuune, isaga oo dhinaca kalena tilmaamay in dalladda FSAN ee uu ka yahay Guddoomiye ku-xigeenka in ay diyaar u tahay in ay wada-shaqeyn la yeelato dhammaan dadka Soomaalida ah. 

 “Waxaa ina deeqa inaan ku midowno calankaas” Ayuu yiri C/qaadir Nuune. 

Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi, oo madasha ka hadlay wuxuu ku ammaanay Madaxweynaha Xassan xulshada R/wasaare waxtar leh, aad na ula socday marxaladihii dalku soo maray. 

“R/wasaare Xamza wuxuu ogaa mar un markeey doontaba ILLAAHEEY ha ka dhigee inuu waddanka dib u dhiskiisa  ka qeybqaadan doono, siyaasad ahaan diyaar bay u ahaayeen inuu hogaankiisa qeyb ka noqdo taasna ILLAAHEEY ma seejin” Ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi ku daray in R/wasaare Xamza aanu siyaasada dusha sare ka soo gelin ee uu muddo ku soo jiray, una diyaarsanaa goor ay ahaataba inuu hogaanka dalka kaalin muhiim ah ku yeelan doono. 

“Soomaaliya waa in ay u baxsataa dadkeena qurba-joogta ah, maadaama dalkeenu ay abaari ba’ani ka jirto, waxaana innagu waajib ah inaan kor u qaado dalabkii Madaxweynaha & R/wasaaraha ee ahaa inaan abaaraha u gurmano” Ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi ku daray in Soomaaliya ay ka dhiman weyday qurba-joogta oo kaalin weyn kaga jira horumarka dhaqan dhaqaale ee dalka, isaga oo ku booriyay qurba joogta in ay u sara-kaceen in ay garab & gaashaan u noqdaan dowladooda. 

Xafladdan ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso waddani u badan,  waxaana wacdaro ka dhigay fannaaniin ay ka mid ahaayeen Jaangow, C/xakiin Fara-yare, Cabdi Baadil, Weeroow & fanaaniin kale.
W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan