Xaaladda Beledweyne oo kacsan iyo howlgal ka dhan ah Jeneral Xuud oo bilowday

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah ay ka jirto gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi oo dhacay bartamaha dalka Soomaaliya.

Dadka magaalada ayaa saaka ku soo waabariistay ciidamo fara badan oo lagu soo daadiyey waddooyinka iyo xaafadaha qaar ee magaaladaasi..

Ciidamada oo isugu jira kuwa dowladda federaalka iyo AMISOM ayaa howl-gallo ballaaran ka bilaabay halkaasi, iyaga oo go’doomiyey magaalada oo dhan.

Sidoo kale ciidamada ayaa xabsiga dhigay in ka badan illaa 50 qof oo u badan dhalinyaro iyo dad kale oo la shaqeynayey jabhadda uu hoggaamiyo Janaraal Abuukar Xuud, sida afhayeenka jabhaddaasi oo lagu magacaabo, Cabdiraxmaan Xuubey.

Waxaa sidoo kale maanta Beledweyne ka dhacay dibad-bax ay dhigeen qaar ka mid ah dadka deegaanka, kaas oo looga soo horjeedo dowlad goboleedka HirShabelle.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay rasaas ku fureen dadka dhigayey dibad-baxyada, waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaaawacyo.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan shaqaaqadaasi.

Xaaladda Beledweyne ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid aad u kacsan, waxaana magaalada ka jiray xiisad u dhexeysa HirShabelle & Janaraal Xuud oo si weyn iga biyo diidan in magaaladaasi uu tego madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullahi Guudlaawe.