Gudiga doorashada ee lagu muransan yahay oo dalab culus hordhigay maamullada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Doorashada Dowladda Soomaaliya ee lagu muransan yahay ayaa shaaciyey inay foomamka Doorashada iyo habraacyada u kala direen maamul Goboleedyada.

Guddigan oo jadwal degdeg dhowaan soo saaray si loo qabto doorashada Aqalka Sare ayaa qoraal kasoo baxay xalay saqdii dhexe kadib ku sheegay inuu dowlad Goboleedyada ka codsaday inay bilaabaan diiwaan gelinta iyo qabashada araajida musharixiinta Aqalka Sare.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ee 2020/21 isagoo tixraacaya faafinta rasmiga ahayd ee dhaqan galinta doorashada isla markaasna ahmiyad wayn siinaya dardargalinta howlaha doorashooyinka dalka ayuu u kala diray Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya habraacyada doorashada iyo foomamka ay u baahan yihiin inay buuxiyaan musharxiinta doorashada kuraasta Aqalka Sare,” Sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga.

“Guddiga ayaa sidoo kale ka codsaday Dowlad Goboleedyada in ay si rasmi ah u bilaabaan diwaangalinta iyo qabashada araajida musharixiinta Golaha Aqalka Sare. Guddiga wuxuu garawsan yahay baaxadda howsha hortaala iyo waajibaadka loo igmaday, wuxuu ku boorriyey mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedyada in ay qaataan doorkooda kaga aaddan fulinta hawlaha doorashooyinka iyo in ay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyaan sidii ay doorashooyinka u guuleysan lahaayeen, una noqon lahaayeen kuwo daah furan oo xor iyo xalaal ah,” ayaa lagu sii daray qoraalka Guddiga.

Maamul Goboleedyada taageersan qorshaha Doorashada ee Madaxweyne Farmaajo ayaa laga sugayaa inay ku dhiiradaan oo ay bilaabaan doorashada Aqalka Sare, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed rajo laga qabo inuu bilaabo doorashada Aqalka Sare.