Sheekh Umal oo jawaab ka bixiyey hadal naxdin leh oo kasoo yeeray mas’uul reer Puntland ah (Daawo)

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur oo maalmo ka hor ka hadlayey amniga magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay ka go’een in salaadda ay ku dukadaan masaajidda, isagoo eedeyn la xariirta amniga u jeediyey culumada magaalada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in culumada masaajidda Gaalkacyo aysan khudbada uga hadlin dhacdooyinka ka jira magaalada.

“Maalintii guddoomiyihii aniga iga horeeyey la qarxiyey oo dad badan oo aniga ehelkeyga ah isku meel lagu laayey, Jimcihii ku xigay waxaan dhageystay khudbadda masaajidkii ii dhawaa, waxuuna Sheekhii uga hadlay ‘Tarabiyatu awlaad,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdiladiif Muuse.

Waxa uu sheegay in Sheekh laga rabay todobaadkaas wixii magaalada ka dhacay inuu ku qaato khudbadda.

“Culumada waxaan u sheegayaa masaajidda kaligiin ku dukan meysaan ama waan xireynaa ama Shabaab waan la wada dirireynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale guddoomayaha ayaa sheegay in culumada uu horay ula kulmay, isla markaana uu u sheegay in masaajidku uusan ‘waxaba ugu fadhin oo Adinkiisuna uu dhibo’ sida uu sheegay, isagoo tilmaamay in masaajidda ay xiri doonaan ama si nabad ah ay ugu wada dukan doonaan.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland waxaa ka jawaabay Sheekh Maxamed Cabdi Umal, waxuuna hadalkaas iyo sacabkii shacabka goobtaas fadhiyey ku tilmaamay mid laga naxo.

“Waxaan is iri ninkan ma culumo gooni ah ayuu ka hadlayaa? laakiin markaan dib u sii dhageystay hadalkiisa culumada oo dhan ayuu ka hadlayaa, marka hadalka noocaas ah oo qof muslim ah uu ku dhiiraday oo sidaas baraha bulshada loogu faafiyey oo hadana qof masuul ah uu ka soo yeeray, waa arrin runtii aad iyo aad looga naxo,” ayuu yiri Sheekh Umal.

Sheekh Umal oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in Guddoomiye Cabdiladiif hadii uu awood u leeyahay uu albaabada isugu dhifan lahaa masaajidda magaalada, sida madaxweynaha Faransiiska Macron oo kale.

Hoos ka Daawo hadalka guddoomiyaha oo kooban iyo Jawaabta Umal oo ku xigta