Xog: DF oo amar yaab leh kusoo rogtay shirkadaha daabacaadda ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in dowladda Soomaaliya ay amar dul dhigtay shirkadaha daabacaadda ee ka jira magaalada Muqdisho.

Amarkaan la dul dhigay shirkadaha ayaa tilmaamaya in aan la daabici karin boorar ay ku qoranyihiin sawirrada iyo erayo lagu diidan yahay ama lagu beegsanayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, haddii ay daabacaanna ay la kulmi doonaan ciqaab adag.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in amarkaan ay bixiyeen mas’uuliyiin kamid ah hay’adaha ammaanka, waxaana looga hortagayaa banaanbaxyada Madaxweynaha Soomaaliya looga soo horjeedo ee ka socda Muqdisho.

Qaar kamid ah dadkii Jimcihii banaanbaxa ka dhigay Muqdisho oo maanta xabsiyo laga sii daayay ayaa warbaahinta u sheegay in shirkadaha boorarka ay u diideen daabacada boorarka ka dhanka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaga oo cabsanaya.

Dibad-baxyada looga soo horjeedo madaxweyne Farmaajo ayaa kusii kordhaya Muqdisho, xilli waqtigiisa uu dhammaad yahay, waxaana looga dalbanayaa inuu dalka ka qabto doorasho xalaal ah oo wadar ogol ah.

Caasimada Online ayaa ogaatay in dibad-baxyada ay sare usii kici doonaan maalmaha soo socda, taasi oo dowladda ku qasabtay inay qaado tallaabo ay ku caburineyso dibad-baxayaasha, ayada oo u adeegsaneysa hab kasta.