Madaxweyne FARMAAJO oo go’aan cusub ka gaaray qabashada doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu amray in la qabto doorashada dalka, ayada oo lagu billaabyo xildhibaanada Aqalka Sare, xilli aan weli xal laga gaarin tabashooyinka ay qabaan maamullada qaar iyo mucaaradka.

Doorashada Aqalka Sare ayaa la sheegay in ay ka billaaban doonto magaalada Baydhaba, kadibna lagu cadaadin doona madaxda Galmudug iyo HirShabelle inay ku xejiyaan Dhuusamareeb iyo Jowhar, waxaana magaalooyinkaas qaarkood la geyn doonaa ciidan kale oo dheeraad ah.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in go’aanka ay laba maalmood kahor qaateen Guddiga doorashada heer federal ee lagu muransan yahay ee ay kusoo saareen jadwal doorasho uu salka ku hayo amarka madaxweynaha, oo inta badan xubnaha guddigan ay yihiin taageerayaashiisa.

Jadwalka doorasho ayaa dhigaya in xildhibaanada Aqalka Sare la doorto 30-ka bishan illaa 6-da Janaayo, waxaana xog ay heshay Caasimada Online ay sheegeysaa in maamulka Koonfur Galbeed uu billaabi doono.

Sidoo kale, waxa uu jadwalka dhigayaa in doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose lagu soo geba-gebeeyo 9-ka illaa 28-ka Febraayo. Jadwalka kuma qorna xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, oo ah ninka ugu daacadsan ee ku xiran Villa Somalia, ayaa lagu amray inuu qabto doorashada, si uu waddada ugu furo Qoor Qoor iyoi Cali Guudlaawe oo weli shaki iyo cabsi qabda.

Rajadii ugu dambeysay ee dowladda ay ka qabtay in sida ay wax u rabto u socdaan ayaa ku dhimatay Garoowe, kadib markii Saciid Deni uu diiday inuu soo magacaabo guddiga doorashada ee heer gobol, taasi oo keentay in Farmaajo uu qaato go’aankan.

Qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda iyo dad kale oo xog ogaal ah ayaa arrintaan ku tilmaamay Ismiidaamin siyaasadeed oo weyn, islamarkaana sababi karta halis badan oo dib u dhac ah iyo dagaal.