Muddo xileedkii sharciga ee BF Somalia oo maanta ku eg

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta taariikhdu waa 27-ka Decemer, waxaana soo dhamaaday muddo xileedka Baarlamaanka 10-aad ee Federaalka Soomaaliya, waana afar sano ka hor maalintii la dhaariyay labada aqal oo wadajir.

27-kii December 2016 ayaa si wadajir ah loo dhaariyay xildhibaanada golaha shacabka iyo kuwa aqalka sare, waxeyna aheyd markii ugu horreysay uu dalka yeeshay laba aqal.

Dalka wuxuu galayaa xaalad cusub maadaama aan wali la isku raacin hanaanka doorasho ee dalka uu galaayo, mana cada xilli la heli doono Baarlamaankii 11-aad ee badali lahaa midka wakhtigiisa dhamaaday.

Iyadoo ay taasi jirto hadana gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal C/raxmaan ayaa kalfadhigii ugu dambeeyay sheegay in xildhibaanada ay xilka sii heyn doonaan ilaa maalinta la dhaarinaayo midka badalaya ee 11-aad.

Wuxuu intaas ku daray si aysan firaaqo dastuuri ah u dhicin iney kursiga kusii fadhin doonaan waana sida ku qoran dastuuraka.

Muddo xileedka oo ka dhamaado Baarlamaanka labada aqal wuxuu kusoo beegmayaa xilli khilaaf siyaasadeed oo xoogan uu hareeyay doorashooyinka, sidoo kalana wali ma aysan ansixin golaha shacabka miisaaniyadda 2021 oo ay dowladda soo gudbisay.

Dhanka kale Baarlamaanka maanta wakhtigiisa dhamaanayo wuxuu ku fashilmay saddex qodob oo muhiim ah: (Dhameystirka dastuurka si afti dadweyne loogu qaado, la xisaabtanka xukuumadda iyo doorasho qof iyo cod ah).