Al-Shabaab ‘oo laga dilay’ SARAAKIIL muhiim ah iyo wararkii ugu dambeeyay

Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo tiradooda lagu sheegay afar qof ayaa toogasho lagu dilay, kuwaasi oo ku dhuumaleysanayey Kaymaha Boni ee Gobolka Lamu, sida ay shaaciyeen Saraakiil ka tirsan ciidanka difaaca Kenya (KDF) oo ay soo xigatay warbaahinta Kenya.

Ciidamada difaaca Kenya ayaa subaxnimadii maanta waxay weerar ku qaadeen goob ay ku dhuumaaleysanayeen dagaal-yahanada Al-Shabaab, kadib markii ay kor u kacday cabsida laga qabo in Al-Shabaab ay weeraro ka fuliso ismaamulkaas xiliga ciida Kirishtaanka.

Howl-galka weerarkan ayaa sidoo kale waxay ciidamadu kusoo qabteen shaqsi kale oo lala xiriirinayo kooxda, waxayna gacanta ku dhigeen qalab isgaarsiineed oo ay isticmaalayeen ragga ay toogteen askartu iyo xamuul faro badan.

KDF ayaa howl-galadan uga jawaab celinaysa weerar ay dhawaan dagaal-yahaanada shabaab ay afduubteen Kaaliyaha madaxa qeybta deegaanka Gumarey ee ismaamulka Wajeer, kadibna ay dileen, iyaga oo madaxiisa dhigay waddo dhinaceeda.

Ma jiro war kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo la xiriira arrinta, marka laga imaado sheegashada ciidamada dowladda Kenya ee ay soo warisay warbaahinta dalkaas.

Muddooyinkii dambe ayaa waxa amni darro xoogan ka jirtay deegaanada Waqooyi-barri Kenya iyo Waqooyiga Lamu oo xuduud la leh Soomaaliya, halkaasi oo weeraro iyo dilal ka fuliyaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.