Muxuu ku saabsan yahay kulanka maanta ee beesha caalamka iyo DF Somalia?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho iyadoo ajandaha kulankaan uu yahay ka wadahadalka lacagta ku baxeysa doorashada soo socota.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa xaqiijiyay in kulanka uu ku saabsan yahay in looga hadlo lacagaha ku baxaya doorashada, waxaana si hordhac ah loo sheegay iney tahay 40 Malyan oo Doolar.

Dowladda Soomaaliya waxey sheegtay iney kaliya bixin karto kaliya lacag dhan 4 Malyan oo Doolar halka dhameystirkeeda ay la kaashaneyso beesha caalamka.

Dowladda Soomaaliya waxey diyaarisay qorshe siyaasadeed ku wajahan raadinta lacagta ku baxeysa doorashada, waxeyna kulanka maanta dooneysaa iney kala hadasho Beesha Caalamka sidii ay uga heli lahaayeen ballan qaad ku saabsan bixinta lacagaha taageerada ah ee la rabo in lagu maareeyo arrimaha doorashooyinka.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle wuxuu si cad u qeexay lacagaha ku baxaya doorashada sida loo maareynaayo, wuxuuna qiray in lagu bixin doono tababar la siinayo ergooyinka, cunnooyinka hawlwadeenada, safaradda guddiyada doorashada heer maamul goboleed iyo heer federaal, goobaha ay dagayaan xubnaha guddiga iyo Xafiisyada.

Horaantii bishaan ayey Beesha Caalamka soo bandhigtay qorshaha taageerada Soomaaliya kadib markii ay ka hadleen Shirka Madasha Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka.