Kheyre iyo siyaasiyiin kale oo miisaan siyaasadeed leh oo ku wajahan Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe Xarunta maamulka Goboleedka Puntland waxaa ku sugan wufuud kala duwan oo intooda badan shalay gaartay, halka maanta la filayo in ay gaaraan mas’uuliyiin kale oo lagu martiqaaday ka qaybgalka kulankaas.

Guddoomiyaasha Golaha Shacabka & Aqalka Sare, Xildhibaanno, Senataro, Musharixiin iyo shaqsiyaad kale ayaa shalay gaaray, xalay kulamo gaar gaar ah ayay la qaataan Madaxda DG Puntland & kuwo kale oo dhexdooda ay yeesheen.

Maanta waxaa lagu wadaa in Magaaladaas ay tagaan Wufuud kala duwan sida Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar oo wakiil ka ah Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble.

Qaban qaabada soo dhaweynta wafuudaas ayaa saakay ka socota garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.

Ujeedka socdaalka wafuudaas ayaa salka ku haya ka qeyb galka shir looga arrinsanayo xaaladda guud ee dalka, sida doorashooyinka, dhamaystirka dastuurka kumeel gaarka ah iyo arrimo kale.

Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Kismaayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Garowe oo ay ku sii qulqulayaan inta badan dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Maamulkiisu ku faraxsan yahay martigelinta shirkaan oo muhiim u ah xaaladda dalka & khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Doorashada dalka.