Deni oo shaaciyey ujeedo qarsoon oo laga leeyahay banaan-baxiii Garoowe

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si caro leh uga hadlay banaanbaxiii rabshadaha watay ee shalay ka dhacay magaalada Garoowe,  isaga oo sheegay inay ka dambeeyaan dad sano siyaasadeed leh.

Deni waxaa uu sheegay in cabashada bulshada iyo banaanbaxa rabshadaha  watay ee  Garoowe ka dhacay in uusan ahayn mid la xiriira diidmada lacagta iyo sarifka balse uu ahaa mid Puntland lagu sumcad dilayo.

Saciid Deni ayaa arrintaan ku eedeeyey inay ka dambeeyaan dad ka faa’idaysanaya dareenka bulshada isla markaana dano siyaasadeed iyo arrimo kale ka leh.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in maamulkiisa uu garanayo shakhsiyaadka ka dambeeyo rabshadahaan isla markaasna ay dhawaan is bari doonaan iyaga iyo Shacabka.

Wuxuu si cad u sheegay in rabashadahaan lagu soo aadayey shirweynaha ka dhacayo Magaalada Garoowe oo ay ka qeyb galayaan  Madax Soomaaliyeed, Siyaasiyiin, Musharaxiin madaxwayne iyadoo ay xusid mudan tahay in shirkaan laga soo wareejiyey dalka Jabuuti oo markii hore lagu qaban jiray.

Madaxwaynaha Puntland oo wajigiisa laga dheehan karay carro xoogan ayaa inta badan hadalkiisa wuxuu ahaa hanjabaad la xiriirta in uu tallaabo ka qaadayo dadkii ka dambeeyey oo uusan marna bulshada u sheegin cidda ay yihiin iyo wax cadaynaya danaha  Siyaasadeed ee ay ka leeyihiin arrintaan.

Hadalka Saciid Deni ayaa kusoo aadayo xilli Shalay ay banaanbaxyo rabshado wato ka dhaceyn qeybo kamid ah deegaanada maamulka Puntland, waxayna dadkii banaanbaxayey sheegay inay ka xun yihiin amaro kasoo baxay maamulkaas.