Xog: Maxaa ka dhaqan galay jadwalkii doorshada ee billaabanayey 26-ka bishan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shalay oo ay taariikhdu aheyd 26-ka December dowladda federaalka Soomaaliya waxay u asteysay inay bilaabato diiwaan-gelinta murashaxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee barlamaanka federaalka Soomaaliya, sida ku cad jadwalkii dhawaan ka soo baxay guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka dalka.

Guddiga ayaa 23-kii bishan soo saaray jadwalka doorashada soo socota ee 2020-2021-ka, gaar ahaan kan Aqalka Sare iyo golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana jadwalkaas ku xusan in 26-ka ilaa 29-ka December ay is diiwan geliyaan xubnaha u tartamaya golaha Aqalka Sare.

Xubno ka tirsan guddiga doorashada ee heer federaal ayaa sheegay inay madaxda maamul goboleedyada u direen warqadaha diiwaan-gelinta, hab raacyada doorashada iyo hannaanka lacagaha lagu bixinayo.

Sidaas oo tahayna illaa hadda ma muuqato cid iska diiwaan gelisay caasimadaha dawlad goboleedyada dalka oo ah halka ay ka dhici doonaan doorashooyinka xubnaha golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Xubnaha guddiga ee soo saaray jadwalkan shalay dhaqan geli waayey metelaad kuma lahan dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo weli diidan hannaanka ay doorashada u maamuleyso dowladda federaalka.

Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo wafuud ay hoggaaminayaan ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, sidoo kale xubno ka socda midowga musharaxiinta mucaaradka ah ayaa gaaray halkaas, waxaana ka bilaabanaya wadahadal ku aadan arrimaha doorashada dalka.