Erdogan: Waa jeclaan lahaa xiriirka Yahuudda balse hal sabab ayaan u sameyn karin

Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa jeclaan lahaa inuu wanaajiyo xiriirka ay la leeyahiin Yahuudda iyadoo ay jirto hadal heyn ku gadaaman xiriirka ay dowladaha Islaamka la yeelanayaan Maamulka Israel.

Erdogan wuxuu doonayaa in wadahadallada dhanka sirdoonka ee Israel ay sii socdaan, balse wuxuu kasoo horjeestay siyaasadda Yahuudda ee ku aadan Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha Turkiga ayaa saxaafadda la hadlay markii laga soo baxay Salaadda Jimcaha, wuxuuna sheegay ineysan marnaba aqbali karin falalka ay Israel ka wado dhulka reer Falastiin.

“Siyaasadda Falastiin waa khadkeena cas, suuragal maahan inaan aqbalno falalka naxariis daradda ah oo ay Israel ka wado dhulka Falastiin,” ayuu yiri Erdogan.

Iyadoo ay taasi jirto hadana madaxweynaha wuxuu doonayaa inuu wanaajiyo xiriirka dhanka sirdoonka ee kala dhaxeeyay maamulka Israel.

Turkiga wuxuu noqday wadankii ugu horreeyay ee aqoonsaday Israel marka laga hadlo wadamada Muslimka ah, sanadkii 1949-kii ayeyna aqoonsadeen, wixii markaas ka dmabeeyay waxey ku wada noolaayeen xiriri wanaagsan oo dhan walba ah.

Si kastaba Turkiga wuxuu jaray xiriirka Yahuudda sanadkii 2010 kadib markii ciidamada Israel ay dileen 10 qofood oo isku dayay iney gar-gaar gaarsiiyaan Falastiiniyiinta iyadoo ay jirtay xayiraad ay maamulka Yahuudda dhan walba ka saareen dadka reer Falastiin.

Xiriirka labada dal ayaa lasoo celiyay sanadkii 2016, balse mar kale ayuu xumaaday sanadkii 2018, iyadoo Turkiga uu si joogto ah u cambaareeyo falalka ay dowladda Israel ka sameyso daanta galbeed.