Musharaxiinta: “Waxaa bilowday fulinta hanjabaadii afar sano la jeedinayey”

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay ka soo saaray kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxay si adag ugu cambaareeyeen tallaabadii shalay lagu rasaaseeyey dad shacab ah oo dhigayey banaanbax ka dhan ah madaxweyne Farmaajo.

“Golaha midowga musharaxiinta waxuu si kulul u cambaareynayaa falkii foosha xumaa ee shalay ciidamo ka tirsan booliska iyo Nabad sugidda ay ku xabadeeyeen dhalinyaro si nabad ah u dhigayey mudaharaad ay ra’yigooda ku cabirayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay golaha.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku sii daray, “Waxay shacabka Soomaaliyeed daawadeen dhalinayaro si nabad ah u mudaharaadaya iyo askari dharcad ah oo xabado ku ridaya gabdho ka mid ahaa dibadbaxayaasha, iyadoo kadib hablihii si khasab ah xabsiga loogu taxaabay.”

Qoraalkan waxaa lagu sheegay in askarta dowladdu ay u muuqdaan kuwo fulinaya hadalladii ka soo yeeray madaxweyne farmaajo iyo madaxda kale, sida guddoomiyaha gobolka Banaadir oo u hanjabay musharaxiinta iyo cid kasta oo ku dhaqaaqda tallaabo aysan raali ka heyn madaxda dowladda federaalka.

“Waxaan ugu baaqeynaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay cudur daar ka bixiyaan weerarkii lagu qaaday gabdhihii banaanbaxayey si deg deg ahna sharciga loo hor keeno kuwii falkaas geystay, shacabkana u cadeeyaan mowqifkooda ku aadan xoriyadda hadalka, kulamada dadweynaha iyo isu soo baxa shacabka,” ayaa lagu qoraalkan.

Ugu dambeyntii golaha midowga musharaxiinta ayaa ururrada bulshada rayidka, guddiyada xuquuqul insaanka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, odayaasha dhaqanka, culumada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ugu baaqay inay falkaas ka dhiidhiyaan, kana soo saaraan war cad oo lagu cambaareynayo.