Xog: Qorshe lagu weerari lahaa saraakiisha ku sugan duleedka Xamar oo baaqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay baaqday qorshe la damacsanaa in lagu weeraro saldhigyo ciidan oo ku yaalla duleedka Waqooyi ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo aan ka amar qaadan dowladda federaalka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Haramcad ayaa Caasimada Online u sheegay in amarkan uu ka yimid madaxda sare ee dowladda inkasta oo ay diideen inay si gaar ah u magacaabaan.

Xubnaha la amray in la weeraro ayaa kala ah: Korneel Saneey Cabdulle, Korneel Maxamuud Maxamed Masdile, Cusmaan Xaadoole, Abuukar Boonow iyo Joorre, kuwaas oo deegaansanaya xaafado dhaca duleedka degmada Kaaraan ilaa qeybo badan oo kamid ah gobalka Shabeelada Dhexe.

Dhammaan saraakiishan ayaa kasoo jeedan beesha Abgaal waxayna haystaan boqolaal ciidan, gawaari dagaal iyo hub fara badan, waxayna kasoo horjeesteen dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa raggan u aragto qeyb weyn oo kamid ah xoogga au ku tashanayaan mucaaradka iyo in ay gabaad u yihiin shaqsiyaadka ay dowlada rabto in ay soo qabato, kuwaas oo ka soo jeeda beesha Abgaal.

Haddii weerar lagu qaado saraakiishan waxaa laga cabsi qabaa in dagaalka uu ka bato inta la filayo islamarkaana uu wajiyo kale yeesho. Saakay ayaa duleedka Kaaraan waxaa u baxay 12 Cabdi Bile kuwaas oo aan ilaa hada soo noqon waxeyna dadka dagan degmadaas ay sheegeen in ay joogaan xaafado ku dhow Isbitaalka Keysaney ee Muqdisho.

Ciidanka ay wataan saraakiisha oo aad u badan darteed ayaa la rumeysan yahay inay adkaan doonto in dowladda ay wax la taaban karo halkaas kala soo laabato.