Xog: Al-Shabaab oo joojiyay dhismaha garoon uu kasoo dagi lahaa Cali Guudlaawe

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in xarkada Al-Shabaab ay joojiyeen dayactirka garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalada.

Garoonkaan oo la isticmaali jiray xilligii dowladii Dhexe ee Maxamed Siyaad Barre ayaa ku yaalla xaafada Howlwadaag ee magaalada Beladweyne, waxaana gudaha Beladweyne looga yaqaanaa Biitaale.

Caasimada Online ayaa ogaatay in dayactirka garoonkaan uu amray madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe, si uu uga soo dago maadaama Garoonka Ugaas Khaliif ay diideen koox Jabhad ah, oo uu hogaamiyo Jeneraal dowladda kasoo horjeeda ee lagu magacaabo Xuud.

Sidoo kale dhismaha garoonkaan ayaa waxaa xoog geliyay guddoomiyaha Baarlamaanka HirShabeelle oo ay beeshiisa dagto xaafadaas iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, oo ku beele ah guddoomiyaha.

Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa u hanjabay shaqaalaha iyo shirkadii dhismaha waday, waxeyna arrintaas ay sababtay in shaqadii socotay ay istaagto.

Al-Shabaab waxey hore u joojiyeen dhismaha Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyada HirShabeelle oo laga bilaabay Jowhar.

Guudlaawe ayaa doonaya in lagu caleemo saaro magaalada Beeldweyne, taasi oo beesha Xawaadle ay diidan tahay, mana cadda illaa iyo hadda sababta uu magaaladan ugu dheggan yahay.