James Swan oo war kasoo saaray caqabadaha haysta doorashooyinka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waraysi uu bixiyay kaga hadlay caqabadaha ka taagan doorashooyinka ee Soomaaliya iyo xaaladihii sanadkan dhamaaday 2020 la soo maray, isaga oo ku baaqay in heshiis laga gaaro doorashoyinka dalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sharaxaad looga bixiyay waxyaabaha uu James Swan kaga hadlay wareysigii uu bixiyay oo intiisa badan looga hadlay arrimaha Soomaaliya.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Qaramada Midoobay.

“Soomaaliya waxa ay la kulantay 2020 caqabado badan, oo ay ka mid yihiin dhinacyada siyaasadda, amniga iyo bani’aadamnimada, iyo sidoo kale Musiibada COVID-19. Isla markaana, waxaa jiray astaamo horumar leh sida deyn cafinta iyo heshiiskii hoggaamiyeyaashu ay ka gaareen hannaanka doorashada ee sannadka 2020-2021. Waa muhiim in dareenka isu tanaasulka, iyo sidoo kale is afgarad iyo wadahadalladu, ay sii socdaan si loo ilaaliyo loona horumariyo guulaha la gaaray,” ayuu yiri Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“2021 wuxuu noqon doonaa mid muhiim u ah horumarka Soomaaliya,” ayuu yiri. “Ammaanka, waxa uu ahaan doona mid ku wareega dowladda Soomaaliya oo iyada ayaa mas’uul ka noqon doonta; dhaqaalaha, waxa ay sii wadi doontaa dib u habeynta si ay u xaqiijiso faa’iidada buuxda ee ay ku guuleysatay ee  geeddi-socodka deyn-cafinta, xaaladda bani’aadamnimada, weli waxaa jira 5.2 milyan oo qof, oo ah qiyaastii saddex meelood meel dadka dalka ku nool, oo u baahan taageero. Iyo, dabcan, hanaanka doorashada ee doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha. Waxaan rajeynayaa inaan arko wadashaqeyn dheeri ah iyo is afgarad ka dhex dhaca madaxda Soomaalida ee arimahan muhiimka u ah Soomaaliya, iyo sidoo kale tallaabooyin adag oo la xiriira dimuqraadiyeynta dalka, oo ay ku jiraan xoojinta hay’adaha iyo aasaaska doorashooyinka ‘hal qof iyo hal cod ah’ sanadka 2024 -25.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wakiilku.

Wareysigan Mudane Swan waxaa lagu daabaacay majaladda Waaxda Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadeynta.