Daawo: Sheekh Shariif oo jawaab kulul ka bixiyey ninkii bastooladda ku weeraray shacabkii dibad-baxayey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa jawaabn kulul ka bixiyey dhacdadii nin ku hubeysan bastoolad uu shalay ku rasaaseeyey shacab gabdho u badnaa oo Muqdisho ka dhigayey banaanbax ka dhan ah madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu sidoo kale cambaareeyey tallaabadii lagu xiray gabdhaha waday banaan-baxa, oo uu ku tilmaamay  inay tahay mid kasoo horjeeda dowladnimada, maadaama gabdhaha dushooda lagu riday rasaasta ay ahaayeen kuwo cabirayay fikirkooda oo aan wadan hub, islamarkaana falkaas loo qaadanayo in dowladda ay kasoo horjeedo in shacabka ay muujiyaan ra’yigooda.

Sheekh Shariif oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho  ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in meel fagaare ah maxkamad lagu saaro ninkii bistooladda u adeegsaday gabdho dibadbax dhigayay.

“Askarigii muuqaalka laga duubay ee la xaqiijiyay inuu ku kacay fal dambiyeedka, isagoo bistoolad ku haya gabdhaha, waa in sharciga la horkeeno,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Meel fagaare ah hala keeno, dadka u xiran dowladda ama ay ku daba joogto ee guryahooda ka raadineyso ha iska deyso.”

“Waxaan cod dheer ku sheegayaa inaan kasoo horjeedno caburinta dadka, dowladda yeysan u qaadan in laga cabsaday hadii laga aamusay, sharci ayaa lagu wada joogaa ee laguma wada joogo cabsi.”

Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in haddii dowladda ay sii wado caburinta ay dadka heysto ay ka imaan karaan wax aan la fileyn, wuxuun sheegay inay dhiira-gelinayaa dadka banaanbaxyada doonaya inay ka dhigaan Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa ciidanka amniga dowladda federaalka iyo kuwa NISA uga digay in loo adeegsado in shacabka lagu dhigaateeyo, isagoo sheegay in arrintaas Ciidamada looga baahan yahay inay ka waan-toowaan.