Xaalado cabsi leh oo laga dareemayo magaalada Muqdisho & Ciidamada amaanka oo Heegan la galshay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa dareen cabsi leh uu ka jiraa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, kadib markii la sheegay in magaalada ay ku jiraan gaadiid Qaraxyo sida.

Wararku waxa ay sheegayaan in gaadiidkaasi ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, waxaana soo baxaaya digniino ay Saraakiisha amaanka u dirayaan dadka shacabka ah.

Maleeshiyaadka diyaarinaaya Gaadiidkan laga cabsi qabo ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay inay haligaan dadka shacabka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Saraakiisha iyo Ciidamada amaanka ayaa ku howlan kala dhantaalida weerarada ay maleeshiyada la damacsan yihiin goobaha ay ku nastaan dadka shacabka ah.

Ciidamada amaanka ayaa aad u adkeeyay amniga Garoonka Muqdisho, Madaxtooyada iyo dhammaan Goobaha ay ku badan yihiin shacabka, waxaana waddooyinka magaalada qaarkood lagu arkayaa gaadiid gaaf wareegaya waddooyinka kuwaa oo u diyaarsan ka hortaga qalalaaso amni.

Si kastaba ha ahaatee, gaadiidka laga cabsi qabo inay sameeyan Qaraxyada ayaa la xaqiijiyay inay ka madaxbanaan yihiin kuwii ay baahisay Wasaarada Amniga XFS ee Xalay ku qarxay agagaarka taalada Dhagax-tuur iyo afafka hore ee Hoteel ku yaala Isgooyska Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com