Akhriso: Tirada safarada uu dalka uga baxay Kheyre tan iyo markii xilka loo magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaalia Xasan Cali Khayre ayaa shalay sanad uu u buuxsamay tan iyo markii xilkan loo magacaabay, 23-kii February 2017-kii.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa aroor Khamiis ah Xasan Cali Khayre u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa mudada sanadka ah qabtay howlo kala duwan waxaana lagu amaanaa in Xukuumadiisa ay dhabar jabisay Musuqa, Nin jecleysiga iyo Cadaalad darada oo laga cabanaayay.

Dadka qaar ayaa ku kala aragti duwan shaqooyinka uu qabtay Kheyre Mucaaradka ayaana qaba inaanu Kheyre qaban wax muuqda, halka shacabka ay ka rumeysan yihiin inuu sameeyay isbedel.

Kheyre ayaa sanadka uu magacaaban yahay dalka Safar uga baxay 6 Safar oo uu ku aaday dalalka Yurubta iyo Carabta.

Haddaba Safarada uu Ra’isul wasaare Kheyre ugu baxay dalka dibadiisa ayaa ah:-

SAFARADA RA’ISUL WASAARAHA EE DALKA DIBADIISA

1-13 May 2017, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa u dhoofay dalka Qadar oo uu kaga qeybgalaayay shir.

2-June 12 2017, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa u dhoofay dalka Ethiopia oo uu kaga qeybgalaayay shirka IGAD.

3-July, 02, 2017, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

4-September 18, 2017, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka halkaasi, oo uu kaga qeyb galaayo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

5-October 25, 2017, Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u ambabaxay dalka Turkiga oo uu ka casuumaad rasmi ah.

6- January 22, 2018, Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa u ambabaxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre oo iminka hal maalin ka qaadanaaya sanadka labaad ee uu magacaaban yahay ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay ku guuleysatay fulinta ballanqaadyada.

Waxa uu tusaale usoo qaatay waxyaabaha uu wax ka qabtay sida arrimaha ammaanka, arrimaha dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

Geesta kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa in dhawaan uu Safar shaqo ugu baxo dalka Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com