Taliyaha Cusub Ee Ciidamadda Booliska Soomaaliya Oo Maanta Xilka La Wareegay

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Munaasabad uu xilka kula waregayay Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho,taasi oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka amniga,taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa kula dardaarmay taliyaha Booliska in uu si hufan u guto waajibaadkiisa shaqo.

Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliska Jen. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa horay uga mid ahaa Taliye kuxigeenada Ciidanka Booliska.

Golaah Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa 19-kii bishan waxaa ay magacaabeen Taliyeyaasha Booliska,Nabadsugida iyo Asluubta,waxaana sidoo kale dhawaan xilkiisa la wareegay taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka,iyadoo sidoo kale lafilayo in dhawaan uu xilkiisa isna la wareego S/guud Bashiir Maxamed Jaamaca oo loo magacaaby taliyaha Ciidanka Asluubta.

xilwareejintaan ayaa imaanaysa xili amaanka muqdisho uu yahay mid aan la isku halaynkarin waxaana shalay galinkii danbe dhacay qaraxyo iyo weeraro oo laga maqlayay magaalada oo dhan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com