Faahfaahin ku saabsan muran xooggan oo ka dhashay Doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kursi ka mid ah kuwa ka banaan Golaha shacabka Soomaaliya islamarkaana ay ku tartamayeen musharrixiinta kala ah .Musharax C/raxmaan Axmed iyo Musharax Fatxi Saciid Xasan

Baaqashada doorashada ayaa timid kaddib markii muran uu kala dhexgalay Ergada ka qeybgeleysay Doorashada iyada oo 21 ka mid ah Ergada ay ka baxeen doorashada.

Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Madaxa banana Xaliimo Ismaaciil( Xaliimo yareey) ayaa shegtay in doorashadaas dib loo dhigay isla markaana waqtiga kale ee la qabanayo ay dib ka soo sheegi doonaan.

Ergada Musharrax Fatxi Siciid Xasan oo uu kursigan aabbihii ka geeriyooday ayaa la sheegay in ay isaga baxeen doorashada iyada oo sidaasna ay ku baaqatay.

Kursigaan ayaa waxa uu ka mid ahaa laba ka mid ah Kuraasta banaan ee Golaha Shacabka,waxana sidoo kale jira in uu weli banaan yahay kursigii uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Marxuum Bootaan Ciise Caalin oo kas oo jeeda deeganada Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com