Maxay tahay sababta ka dambeyso safarka uu Kheyre Berri ku aadayo dalka Imaaraadka Carabta?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maalinta berri oo Axad ah lagu wadaa inuu u ambabaxo dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, kaddib casumaad rasmi ah oo uu ka helay Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Imaaraadka Carabta ayaa soo baxday, kaddib ka qeyb galkiisa shirkii Davos ee Switzerland bishii hore oo ay isku arkeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta.

Inta uu ku sugan yahay Ra’iisul Wasaare kheyre Imaaraadka ayaa waxa uu la kulmi doonaa Masuuliyiinta dalkaas,isaga oo kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal oo hoos u dhacay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dowladda Soomaaliya dhex dhexaad ka noqtay Khilaafkii Wadamada Khaliijka.

Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug yeeshay xaalada Siyaasadeed ee dalka,waxaana tani ay sahli kartaa in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu sameeyay furfures Siyaasadeed.

Xiriirka Villa Somalia iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxooga mugdi galayay, tan iyo wixii ka dambeeyay markii siyaasiyiin ku xiran Imaaraadka ay mucaarado xooggan ku fureen dowladda Soomaaliya iyo mowqifkii dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka Khaliijka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com